Dowlada Jabuuti oo walaac xooggan ka muujisay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka sheegay Asmara

0
879

Dowlada Jabuuti oo walaac xooggan ka muujisay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka sheegay Asmara

Dowladda Jabuuti ayaa si kulul uga hadashay hadal dhawaan madaxweyne Farmaajo ka jeediyey magaalada Asmara ee dalka Eriteria kaasoo ahaa in Asmara laga qaado cunna-qabateynta hubka ee ay saartay Qaramada Midoobay.

“ Dowladda Jabuuti waxay aad uga naxday hadalkii madaxweyne Farmaajo uu sheegay intii uu ku guda jiray safarkii uu ku tagey Asmara kaasoo uu ugu baaqay qarama-midoobay inay ka qaadaan cunna-qabateynta la saaray Eriteria tan iyo sanadkii 2009kii kaddib markii ay xasillooni darro ka abuurtay dowladaha la deriska ah gaar ahaan taageerada ay siiso kooxda Alshabaab iyo muran dhuleedka kala dhaxeeya Jabuuti.

“Waxaa u wanaagsaneyd madaxweyne Farmaajo inuu warkiisa ku xuso dhibaatada ka taagan xuduudda Jabuuti ay la wadaagto Eriteria kuna boorriyo Eriteria in wadahadal nabadeed lagu xalliyo murankaas”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho.

“Jabuuti dhibaato ayaa soo gaartay waxayna ku weysay wiilal iyo gabdho geesiyaal ah dagaal ay la gashay Eriteria walina murankaas waa ka jiraa xuduudda labada dal. Uma dul-qaadan doonno wadahadallo naxariis-darro ah iyadoo wiilasheenna iyo gabdhaheennu ay wali Soomaaliya u joogaan inay difaacaan nabadda iyo xasilloonida”

Dhinaca kale Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Amb. Aadan Xasan Aadan ayaa saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho, inkastoo aan si rasmi loo sheegin sababta iyo inay la xirriirto walaaca Jabuuti ka qabto Safarkii Madaxweynaha ee Eritrea.

Halkan ka aqriso war saxaafadeedka safaarada Jabuuti ee dalka Soomaaliya;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here