Bemba oo maanta dib ugu laabanaya DRC Congo

0
772

Jean Pierre Bemba oo ah hogaamiye mucaarad ah una dhashay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiyadda Congo ayaa la filayaa in maanta uu dib ugu laabto dalkiisa ka dib in ka badan 10 sano oo uu dibedda ku xirnaa.Ninkan oo ay dhawaan sii daysay Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ayaa sheegay inuu u tartamayo xilka madaxtinnimada Congo.Soo laabashada Jean-Pierre Bemba ayaa la filaya inay gilgisho siyaasadda dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.Isbahaysiga talada dalkaasi haya ayaa sheegay in aanu u qalmin in u tartmo madaxtinnimada kadib markii lagu helay dembi in u laalush siiyay markhaatiyasha maxkammada dembiyada caalamiga.Musharraxiinta ayaa hasyta hal isbuuc oo keli ah si ay guddiga doorashada ugu gudbiyaan waraqaha xisbiyadooda ay kusoo magacabayaan si ay tartanka doorashada ugu qayb qaatan.Balse Jean-Pierre Bemba aya ugu baaqay madaxweyne Joseph Kabila inuu xushmeeyo dastuurka dalka oo uusan ka qeyn qaadan doorashada, balse madaxweyne Kabila ayaan weli arrintaasi ka hadlin.Madaxweyna ku xigeenkan hore ayaa muddo laba iyo toban sano ku maqanaa Yurub iyadoo toban sano u ku qaatay xabsiga kadibmarkii lagu eedeyay in dagaalyahanno isaga daacad u ah ay xasuq ka geysteen dalka Jamhuuriyadda Afrikada dhexe.Balse maxkammada racfaanka ee dembiyadda caalamiga ayaa daaqada ka tuurtay eedeymihii loo heystay bishi aynu soo dhafnay taas oo fursad u siisay in dalka u dib ugu soo laabto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here