Yuusuf Garaad “Haddii uu dhab yahay in Madaxweynaha raalli gelin ka bixiyay arrintii Qalbi Dhagax waa soo dhoweynayaa”

0
651

Yuusuf Garaad “Haddii uu dhab yahay in Madaxweynaha raalli gelin ka bixiyay arrintii Qalbi Dhagax waa soo dhoweynayaa”

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo raalli gelinta la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka bixiyay arrintii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo sanadkii hore ay dowladda Soomaaliya u dhiibtay Itoobiya.

Guddoomiyaha Ururka ONLF Maxamed Cumar oo shalay Madaxweyne Farmaajo kula kulmay magaalada Asmara ayaa sheegay inuu raalli gelin ka bixiyay arrintii C/kariin Qalbi Dhagax.

Yuusuf Garaad ayaa ka mid ahaa saddex Wasiir oo ka hor-yimid go’aankii Golaha Wasiirada ku taageereen qaraarkii ay soo saareen 6-di bishii September ee ahaa dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Yuusuf Garaad

Haddii uu dhab yahay warka aan saxaafadda ka maqlay, waxaan aad u soo dhoweynayaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu raalli gelin ka bixiyay in Cabdikariin Shiikh Muuse “Qalbi-dhagax” ay Dowladda Soomaaliya u dhiibtay Dowladda Ethiopia.

Arrinkaas oo muran badan ka dhaliyay Golaha Fulinta dhexdiisa iyo sida oo kale Golaha Sharci dejintu, shacabka Soomaaliyeedna uu aad uga dhawaaqay waxa keliya oo Madaxda Qaranka la gudfboon waxay tahay in ay raalli gelin ka bixiyaan weliba aan af ku koobnayn ee wadata ficil ku wajahan muwaaddinka ay tooska u saameysay.

Khalad wuu dhacaa, laakiin in la qirto, inta la awoodana la saxo waa geesinnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here