Heshiiskii Somaliland Iyo Khaatumo Oo Qarka U Saaran In Uu Burburo Iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Ka Indho Qarsatey

0
764

Heshiiskii Somaliland Iyo Khaatumo Oo Qarka U Saaran In Uu Burburo Iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Ka Indho Qarsatey

Heshiiskii Somaliland iyo Khaatumo ayaa la weriyey in uu qarka u saaranyahay in uu burburo, Ilo xogogaala oo uu helay wargeyska Sahan ayaa lagu sheegay in fashilka heshiiskaasi uu dhawyahay, heshiiskan oo laba geesood ahaa una dhaxeeyay Somaliland iyo Khaatumo soona jiitamayay muddo ayaa waxa markii hore dhidibbada u taagtay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo oo soo gaadhsiisay meel labada dhinac isku kalsoonaadaan, balse markii xukuumaddii dhacday waxaa la wareegay xukuumaddii xisbiga KULMIYE ka dhalatey ee madaxweyne Muuse Biixi hoggaamiyaha ka yahay taas oo kasii ambo qaadday halkii ay taagnaayeen balse markii dambe istaagay oo debacsanaantii xukuumaddu meesha ka baxday.

Xogaha ayaa tibaaxaya in xukuumaddu ka gaabisay sidii ay uga midho dhalin lahayd waxaana xoguhu intaa ku darayaan in xukuumaddu ay dhegaha ka furaysatay islamarkaana ay laba kulan sabab u noqdeen, kulamadaas oo ahaa kulan uu kal hore Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeydh uu kulan la qaatay xildhibaannada golaha deegaanka ee degmada Laascaanood kuwaas oo xukuumaddu ka biyo diiday la kulankooda oo uu ladh ku kiciyay ambaqaadka heshiiska, halka kulanka kale lagu sababeeyay kulankii dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo Cali Khaliif kuwaasoo xaalado badan kawada hadlay balse ay sabab u noqotay in madaxweynaha Somaliya fursad u noqoto maadaama hoggaamiyaha Khaatumo ka caalwaayey xukuumadii Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi, taasina ay sabab u noqotay in Cali Khaliif dalka dib ugu soo laaban waayo una baqoolo dalka Maraykanka.

Xogahan ayaa intaas ku daray in kalsoonidii labada dhinac ee Somaliland iyo Khaatumo bur-burto maadaama la tix galin waayay dhaqangalka heshiiskii labada dhinac ee Somaliland iyo Khaatumo taasina ay horseed u noqon doonto in la kala hulleelo haddii xukuumadda Somaliland dhegaha u furi weydo.

Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeydh ayaa laga cabsi qabaa in uu xukuumadda Ku furo bog cusub oo horleh oo mucaarad ah.

Source: Sahan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here