Magaalada Muqdisho oo Laga Hirgeliyay “Cabitaanka Wareega”… Hab Cusub oo Dadka Looga Iibiyo Cabitaanka Dabiiciga Ah

0
800

Magaalada Muqdisho oo Laga Hirgeliyay “Cabitaanka Wareega”… Hab Cusub oo Dadka Looga Iibiyo Cabitaanka Dabiiciga Ah

Magaalada Muqdisho waayihii dambe waxaa ku soo badanayey hal-abuurka ganacsi  oo ay la imaanayaan dadka qaar, hadda waxaa magaalada ku soo kordhay hal-abuur cusub oo ah “Cabitaanka Wareega” oo mooto saddex lugood leh dusheeda lagu iibineyo cabitaanka dabiiciga ah.

Hal-buurkan shaqo waxaa soo kordhiyay Cabdikariim Cabdullahi Diiriye waa ganacsade Cabitaanka iibiya waxaa uu noo sheegay marka hore waxa fikradda ku dhaliyay, waxaa hadalkiisii ka mid ahaa:

“Waxey igu dhalatay maadaama aan arkay jidadka Muqdisho oo lagu iibinayo Cabitaannada, Markaan arkay cabitaanno la qasqasayo ayey igu dhalatay in aan sameeyo cabtitaanka cambaha muuska iyo saytuunka”.

Waxa uu noo faahfaahiyay tukaankiisan cabitaanka waxyaabaha uu ka kooban yahay:

“Waxa uu ka kooban yahay moto saddex lugood leh oo matoor uu saaran yahay uu ku soo dagay, qolofkaas ayaan u sameeyay, labo xabbo oo solar ah oo min 250-wat ah ayaan saaray, beteri  150 ampier ah ayaa ku jira, Jet controler ayaa ku jira, invertor ayaa ku jira, kadib mushkaankaas ayaa ku jira oo sahlaaya in alaabta lagu shiido, qorraxda marka hore tamarta DC ayaa ka imaaneyso AC, mishiinadda aan wax ku shiidaynaa AC ayey ku shaqeeyaan.”

Cabdikariim Cabdullaahi Diiriye, waxa uu kula taliyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo doonka ah iney la yimaadaan fikraddiisa oo kale ama mid ka duwan:

“Dhalinyarada Soomaaliyeed oo badaha ku dhammaaneysa ama tahriibta galeysa ama maalaayacniga magaalada u joogta, waxaan ku waaninayaa iney fikir kan oo kaleeto ah ama mid u dhigma iney la yimaadaan, caqligooda ay ka sheeqeeyaan waxna ay soo saartaan.”

Bile Daahir Nuur oo ka mid ah saddex dhalinyaro ah oo hal-abuurkan cusubi uu u noqday shaqo abuur ayaa ka warramaya xilliga uu soo kaco iyo waqtiga uu shaqada ka rawaxo:

“Cabitaankan cambaha iyo caanaha ah ayaan sameeyaa, subaxdiina waxaan soo kacaa halsaac laba saac oo foodka hore ah marka ay noqonta waan iska dhaafnaa, alaabtan la soo kordhiyayna shaqo abuur ayey noo yihiin.”

Ismaaciil Cabdisamad Maxamuud, waxa uu ka mid ahaa dad cabitaan ka shubanayay mootada cabitaanka wareega oo la dhacsadanaa shaqada ay hayaan, waxa uu yiri: “Yarkani wuxuu sameystay shaqo abuur waxa uu iibiyaa biyo macaan oo ka kooban cambo timir shiidan iyo qumbo waan soo dhoweynayaa waana shaqo abuur wanaagsan”.

Si kastaba, qofka hal-abuurka leh waxa uu naftiisa iyo dadka kale u sameeyaa shaqo abuur, intii ay dhalinyaro badan u hanqaltaagi lahaayeen dibadda  iyo tahriib, dalka ayey ka shaqeysan karaan iyagoon naftooda aan biimeyn oo aan khatar u bareerin.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here