Al-Shabaab Oo Xukun Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Nin 50-Sano Jir Ahaa

0
1110

Al-Shabaab Oo Xukun Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Nin 50-Sano Jir Ahaa

Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Maanta waxa ay xukun dil  toogasho ah ku fuliyeen Nin Oday ah oo ay sheegeen in uu horey u diley wiil iyo aabihiis

Xukunka dilka toogashada ah ayaa lagu fuliyay Cali Maxamed Cali oo 51 sano jir ahaa, kaas oo lagu eedeeyay inuu dilay wiil iyo aabihiis oo lagu kala magacaabo Aadan Cali Nuur (oo ahaa Aabaha) iyo Cali Aadan Cali (oo ahaa Wiilka).

Dilka 2-da qof ayaa yimid ka dib markii la sheegay in raashiinka loogu daray Sunta Jiirka, waxaana dhimashada 2-da qof ka sokow sidoo kale ay Suntu saameysay 3 caruur ah balse badbaaday.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee magaalada Saakow ayaa sheegay in ninka dilka geystay uu Maxkamadda ka hor qirtay falka uu kula kacay dhibanayaasha kaas oo ka dhacay tuulo hoos tagta magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Aqrinta Xukunka Maxkamadda ka dib, ayaa dilka toogashada ah lagu fuliyay Cali Max’ed Cali,iyadoo fagaaraha uu dilka ka dhacayay ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo shacab usoo daawasho tagay dilka toogashada ah ee marxuumka lagu fuliyay.

Al-Shabaab ayaa marwalba xukuno dil ah waxa ay ka fuliyaan deegaanada ay weli ka maamulaan qeybo ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here