DEG DEG : Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha Oo Caawa Geeriyooday

0
713

DEG DEG : Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha Oo Caawa Geeriyooday

Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha dowlad goboleedka Hirshabelle Allaha U naxarisitee Siciid Xaashi Tooxow ayaa caawa ku geeriyooday isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer ee magaalada Muqdisho kadib markii maalmihii la soo dhaafay uu xanuunsanayay.

Allaha u naxariistee geerida Wasiir ku xigeenkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha Hirshabelle ayaa waxaa shabakada jowhar.com u xaqiijiyay  Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Hirshabelle Seef Cabdalla Ibraahin iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow iyagoo sheegay in marxuumku dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay uu ku xanuunsanayay isbitaalka Erdogan balse tii Alle ay u timid caawa fiidkii.

Geerida marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo wasiirada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Allaha u naxariistee Marxuum Siciid Xaashi Tooxow ayaa ka mid ahaa wasiiradii uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare waxana uu kamid ahaa wasiiro dhalinyaro ah oo ka dhex muuqday golaha wasiirada Hirshabelle.

 

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here