Milatariga Iiraan “hadduu Trump dagaal billaabo waan dhamaystiraynaa”

0
601

Taliyaha ciidammada gaarkaah ee Iiraan ayaa madaxweyne Trump uga digay in haddii Maraykanku uu weeraro Iiran “ay markaas burburin doonaan waxay isla hayaanba.Sareeye Gaas Qassem Soleimani ayaa wacad ku maray in haddii Trump uu dagaal billaabo ay dhamaystiri doonto Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Tasnim ee dalkaIiraan.Arintan ayaa dabo socota Twitterkii xuruufta waawayn lagu soo wada qoray ee Trump uu madaxweynaha Iiraan ugaga digayay in uusan waligii oo dambe u goodiyin Maraykanka.Xiisadda ayaa cirka isku sii shareeraysa tan iyo markii uu Maraykanku ka baxay heshiiskii Iiraan lala galay 2015kii.Sareeye Gaas Soleimani oo ah hoggaamiyaha ciidammada Qudus ee dalka Iiraan ayaa laga soo xigtay Khamiistii isaga oo leh “ka askari ahaan, waa waajibaadkayga in aan ka jawaabo waxa dhankaaga kaimanaya.Ila hadal aniga, ee hala hadlin madaxweynaha [Xasan Raqxaani]. Sumcad ahaanna ma aha in uu madaxweynahanagu kula hadlo.”Diyaar baan nahay, waliba si aadan malaysan karin. Kaalay diyaar baan kuu nehehee.“Haddaad dagaal billawdo, waan dhamaystiraynaa. Ma og tahay in dagaalkaas uu burburin doono waxaad leedihiin oo dhan.Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay in Madaxweynaha Maraykanku uu adeegsanayo luuqadda lagu adeegsado baararka habeenkii iyo goobaha khamaarka lagu ciyaaro.Axaddii ayuu Trump Twitterka soo dhigay goodin uu u diray madaxweynaha Iiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here