Dowladda Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Duulimaadyada Xajka Sannadkan

0
710

Dowladda Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Duulimaadyada Xajka Sannadkan

Wasaaradda diinta iyo awqaafta dawladda federaalka Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saartay maanta xujayda tegaya xajka  sannadkan oo muran badani ka taagnaa.

Wasiirul dawladdaha wasaradaasi Cabdixakiim Muxumed Ashkar oo warbaahinta qaar la hadlay waxa uu sheegay in xujeyda sannadkan ay waajibaadkooda xajka si toos ah u guddan doonaan isla markaasina aanay jirin wax caqabad ah oo ka hor taagan.

Wasiirku waxa uu sheegay in shirkaddihii hore uga shaqeyn jiray qaadista xujeyda ay sannadkan iyaga uun ka shaqeyn doonaan – hawshuna sidii hore uun ahaan doonto.

Cabdixakiim waxa uu si wayn ugu mahadceliyey madaxda dawladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in uu dedaal badan ka galeen sidii ay xujeyda Soomaaliyeed sannadkan u gudan lahaayeen xajkooda.

Dib u dhac ayaa sannadkan ku yimid gaar ahaan duulimaadyada kala duwan ee lagu soo daabulaayo xujeyda Soomaaliya. Sababaha ugu weyn ee dib u dhacan keenay sannadkan ayaa lagu sheegay muran soo kala dhax-galay dawladdaha Sacuudiga iyo Soomaalida oo isku khilaafay shirkaddaha xujeyda ka daabulaya Soomaaliya, kaddib markii ay dowladda Soomaaliya ku kordhisay saddex shirkadood kuwii horay looga bartay in ay sanad walba xiligan oo kale dalka Sacuudiga u qaadaan xujeyda.

Hase yeeshee wasiirul dawladdaha wasaaraddaasi oo ku sugan dalka Sucudiga waxa uu bulshada Soomaalida ah ee sannadkan doonaya in ay xajka aadaan ugu bushaareeyey in aanay jirin wax caqabad ah oo ku gudban in ay soo gutaan waajibaadkooda xajka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here