Kuuriyada Waqooyi oo Maraykanka u celisay haraagii maydadka dagaalka

0
770

Kuuriyada Waqooyi oo Maraykanka u celisay haraagii maydadka dagaalka

Kuuriyada Waqooyi ayaa celisay haraagii maydadka ciidammadii Maraykanka ahaa ee la dilay intii uu socday dagaalkii Kuuriya, tallaabadan ayaana ah midii u dambaysay ee dublamaasiyadeed ee dhexmarta Washington iyo Pyongyang.

Maraykanka ayaa xaqiijiyay in diyaarad wadda haraaga maydadka askarta ay ka kacday Kuuriyada Waqooyi kuna sii jeeddo saldhigga ay ciidammada Maraykanku ku leeyihiin Kuuriyada Koonfureed.

Waxaa halkaas ku sugaya maydadka qaraabada askarta oo in badan sugayay in loo soo celiyo maydadka dadkii ay jeclaayeen ee dagaalkaas kaga dhintay.

Soo celintan waxaa lagu heshiiyay markii ay bishii Juunyo kulanka wada yeesheen madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Soo celinta haraaga maydadkan ayaa ku soo aadaysa sannad guuradii 65 ee ka soo wareegtay markay ku heshiiyeen in ay joojiyaan dagaalkii Kuuriya ee socday 1950-1953.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here