BBC oo siinaysa Sir Cliff Richard £850,000 oo ah kharashkii dacwadda

0
707

BBC ayaa ogolaatay inay siiso Sir Cliff Richard £850,000 oo ah kharashkii ka galay dacwadda, muddo 14 maalmood gudahood ah, ka dib dacwad ka dhan ah gaar ahaanshihiisa oo uu ku soo oogay BBC.Xaakim ayaa xukumay in BBC ay ku xadgudubtay gaar ahaanshaha fanaankaas,markii ay ka warramaysay booliska oo u dhacay gurigiisa 2014, waxaana horeba loogu xukumay in la siiyo £210,000.Sir Cliff marnaba lama xirin, lamana eedeynintii uu baaritaanku socday.BBC ayaa dalbatay in ay racfaan ka qaadatoxukunkii maxkamadda sare, hase yeeshee gaashaanka ayaa lagu dhiftay.Waxay ka raalli galisay Sir Cliff walwalka ku dhashay, laakinse waxay doonaysay inay racfaan qaadato, ayadoo ku doodaysay in xukunkaas uu khatar galinayo madax banaanida saxaafadda.Arrimaha uu xaakimku sheegay waxaa ku jiray in Sir Cliff uu xaq u lahaa gaar ahaanshaha intii uu socday baaritaankii uu waday booliska South Yorkshire, taasoo ahayd dood ka xoog badan xorriyatul qowlka ay BBC du doonayso ee ay ku daabacday magaciisa, ugana sheekaysay in loo dhacay gurigiisa.Sir Cliff Richard oo BBC dacwad kaga guulaystayBBC waxay iminka go’aan ka gaari doontaa inay toos u aaddo iyo in kale maxkamadda racfaanka, si ay u raadsato ruqsad ay racfaan ku qaadato.Gavin Millar QC oo hogaaminaya kooxda sharciga u qaabilsan BBC ayaa dhegeysiga ka sheegay khamiista maanta ah in BBC ay ku saxsanayd inay bixiso kharashka xagga sharciga ah ee uu galay Sir Cliff.£850,000 ma noqon doonto lacagta kama dambaysta ah ee wadarta guud ee kharashka xagga sharciga ee uu galay, laakin Sir Cliff waxaa iminka loo siiyey sidii uu isaga bixin lahaa kharashka qareennadiisa.Qareenka fanaanka, Justin Rushbrooke QC,ma uusan sheegin inta uu ugu kacay kiiska, laakin Sir Cliff wuxuu sheegay in dacwadda uu ku bixiyey lacag ka badan 3 Malyan oo gini.BBC waxay kaloo siinaysaa booliska South Yorkshire, kharash xagga sharciga ah oo gaaraya £315,000

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here