“Faysal Cali Waraabe Wuxuu Ka Kow Yahay Kuwa Leh Muuse Biixi Kuma Filna Qaranka… ” Siyaasi Mustafe Shiine

0
535

Hargeysa (DN):-Siyaasiga Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo xilal kasoo qabtay xukuumadii hore ee Somaliland soomartay ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha Xisbiga UCID In uu gef u geystay MadaxweyneMuuse Biixi Cabdi.Qoraal uu soo dhigay bogga uu ku leeyahay facebookga ayaa waxa uu ku yidhi “”Hadaanu jirin capacity dalkan lagu wadaa waanu ka tashanaynaa”.Waa ubucdii hadalkii Faysal Cali Waraabe uu ku duray Madaxeynaha , mudane Muuse Biixi Cabdi Faysal oo maanta hadlay kadib, markii taageerayaal abaabulani ku soo dhaweeyeen garoonka Cigaal International Airport, waxa uu sidii caadiga u ahayd isku dhigay nin ay ku keliyaysatay hirgelinta iyo ka midho dhalinta qaranimada Somaliland, waxaanu ku tilmaamay madaxweynaha hawshan u dooran mid aan ku fileyn hawsha qaranka oo toddobadii bilood ee uu xukunka hayay ay ka liidato muddadii dalkani soo jiray, isla markaana ay tahay in ay baarlamanku qiimeeyaan oo ay ka hadlaan.Inkastoo ay doodaasi tahay mid meesha qabata oo ay jirto in loo baahan yahay in 6dii biloodba la qiimeeyo halka uu dalkani maraayo,haddane waxa xaqiiq ah in Faysal Cali Waraabe uu xaga hore kaga jiro ragga ka fidiya dacaayadaha ficil ahaan inaanu Muuse Biixi lahayn kartidii dalkan lagu maamuli karaayay, taasi oo aad moodo in shacabweynuhu intiisa badani ay aamineen dooda noocaasi ah.Waxa jiray in laga soo weriyay Rasuulkeenii CSW in uu yidhi “ILLAAHOW AANAY DADKU II ARAG INAAN AHAY NIMAAN DHAMAYSTIRNEEN’ ANIGUNA AAN ISKU ARKINNIN DHAMAYSTIRAN “, taasi oo ay micnaheedu tahay haddii aan isku arko nin dhamaystiran oo wax walba qaban kara ama ka jawaabi kara inuu is dhiganaayo oo uu yareyn doono dedaalkii uu doonayay inuu ummadda ku hago,haddii ay ummaddu u aragto nin wax ka dhiman yihiin ay keenayso in shacabka uu odayga u yahay aanay waxba ka dhegaysan doonin.Anigoo taa ka duulaya waxaan u arkaa in Madaxweyne Muuse looga baahan yahay inuu shacabkiisa tuso inuu yahay masuul ku filan qarankiisa oo aanu Faysal u indho ahayn, balse keliya uu talada dalka u badsanaayay cidii uu u arko inay waajib tahay in laga talo geliyo, sida xisbiyada iyo madaxdii hore ee qaranka, taasina uu Faysal khalad ka fahmay.Ugu danbayn waxaan lee yahay madaxweyne lagama dulqaato cida sharafkaaga ku xadgudubta ee isku dayda inay caqligaaga caydo, gudoomiyaha Xisbiga UCID ha ku ekaado xisbiga uu hantida u lee yahay ee uu hadba magacaabo cida uu doono kolay ku tahaykii doorashada ku wehlin lahaa, talada qarankana adigaa laguu doortee wasiiradaadaka samayso koox xul ah oo kula faaqida waxa hadba dalka la soo gudboonaada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here