Dibad Baxyo Ka Socda Gobollada Amxaarada Iyo Sababta Keentay

0
813

Dibad Baxyo Ka Socda Gobollada Amxaarada Iyo Sababta Keentay

Dad shacab ah oo aad uga cadhaysan dilkii Injineer u dhashay gobolka Axmaarada Shalay loogu gaystay magaalada addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa isugu soo baxay muddaaharaad balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan dilka Injineerkooda lagula kacay.

Shacabka ku dhaqan gobolka Axmaarada gaar ahaan magaalada Bahir-Dar ayaa waxay ka muujiyeen cadho xoogan dilka Injineerka loo geystay ayagoo bur buriyay gawaadhi badan waxayna dab qabad siiyeen basas iyo hanti ay Tigraygu lahaayeen.

Injineerkan la dilay ayaa waxaa lagu dilay magaalada Addiss Ababa wuxuuna ahaa Injinerkii gacanta ku hayay Biyo xidheenka Abay oo ah goob ay aad isugu khilaaf san yihiin dawlada Masar iyo Itoobiya.

Injineerka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Simegnew Bekele waxaanu ahaa Injineerkii gacanta ku hayay Mashruuca dhaamka ay Itoobiya ka xidhayso webiga dheer ee Nile-ka kaasi oo ku kacaya lacag gaadhasa $4 Bilyan oo dollar,haddii uu u hirgalana Itoobiya ay noqon doonto waddanka ugu weyn Afrika ee dhoofiya laydhka (hydro power) kaasi oo laga dhaliyo tamarta biyaha.

Meydka Injineerkii la dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here