Magaca Saxda Ah Ee Raysalwasaaraha Itoobiya, Da’diisa Iyo Diinta Uu Haysto: Xogo Ka Duwan Inta La Ogyahay

0
878

Magaca Saxda Ah Ee Raysalwasaaraha Itoobiya, Da’diisa Iyo Diinta Uu Haysto: Xogo Ka Duwan Inta La Ogyahay

Weriye ka tirsan Telefishanka BBC qeybtiisa luuqadda Ingiriisiga, gaa ahaan wararka Afrika ayaa dhowaan booqday deegaanka uu asal ahaan ka soo jeedo raysalwasaaraha dalka Itoobiya, si uu xog dheeraad ah uga soo helo noloshiisii carruurnimo iyo qoyskiisa. warbixintan oo uu soo xigtay wargayska Geeska Afrika ayaa sheegaysa in weriyahaasi uu booqday tuulaha Bashaashaa oo ah deegaanka uu qoys ahaan ka soo jeedo Raysalwasaare Abey Ahmed, waxa aanu soo helay xogo qaarkood burinaya kuwa laga ogyahay ee dadku inta badan isla dhexmaraan.

In kasta oo waraaqaha rasmiga ah ee u diwaangashan Raysalwasaare Abey Ahmed Cali sheegayaan in uu dhashay Sannadkii 1976 kii, oo ay da’diisu noqonayso 42 sano jir, weriyuhu waxa uu soo helay xog taas aad uga duwan oo la xidhiidha taariikhda dhalashada ee raysalwasaaraha. “Abey Axmed, Sannadkii 1968 kii ayaa uu ku dhashay gobolka dadkiisu Muslimiinta u badanyihiin ee Oromiya” ayaa uu weriyuhu ku yidhi, warbixintan oo iyada oo fiidyaw qoraallo weheliyaan ah, 21kii bishan julaay lagu faafiyey barta ay BBC qeybteeda luuqadda English ka ku baxdaa ku leedahay Internetka.

Diinta

Ugu horrayna waxa uu weriyuhu ka hadlay diinta uu aaminsanyahay Raysalwasaaruhu oo dadku inta badan hadal galiyaan, ” Aabihii waa Muslim,hooyadii waa Kiristaan aaminsan madhabta Protestant-ka” ayaa lagu yidhi warbixintan uu sii daayay barnaamijka BBC News Africa.
Laakiin waxaa la sheegay, maadaama oo uu deegaanku Muslimiin u badanyahay, aabihiina Muslim yahay, in Abey Axmed uu Qur’aanka wax ka bartay. Waxa aanu Aabihii sheegay in uu akhriyi jiray aayado Qur’aanka Kariimka ka mid ah.

Magaciisa runta ah, macanaha magaca iyo habdhaqankiisii carruurnimo
Magaca Raysalwasaaruhu waxa uu sax ku yahay Abiyot oo ah eray afka oromada ku jira oo macnihiisu yahay, “Kacaan/Kacdoon”. Laakiin waxaa magaciisa sida uu hadda u dhiganyahay u beddelay aabbihii, “Aniga ayaa Abey ku odhan jiray, aniga oo soo gaabinay magaciisa” ayaa uu yidhi raysalwasaaraha aabihii oo BBC da u warramayey.
Sida caadiga ah, waxa uu Abey Axmed aabihii iyo hooyadii kala shaqayn jiraykana caawin jiray hawl maalmeedka shaqo ee guriga iyo nolosha qoyska la xidhiidha. waxa uu ahaa wiil aad u fur furan oo sida uu aabihii sheegay, cid kasta la saaxiiba’.

Axmed Cali oo ah raysalwasaaraha aabihii ayaa isaga oo weriyaha la hadlaya waxa uu yidhi ” Ha u qaadan in awoodda iyo madaxnimada uu gaadhay ay igu kallifayso in aan ammaantiisan iyo wanaaggiisan sheego, laakiin runta ayaa aan kuu sheegayaa ee ficilladiisa oo dhami waxa ay ahaayeen kuwo fiican”.

Raysalwasaaraha aabihii Axmed Cali oo ka warramaya dareenkii dadka deegaanku ay ku qaabileen xilka inankiisa loo dhiibay ayaa yidhi ” Markii uu ka soo muuqday telefishannada, dadku jaceyl badan ayaa ay u qaadeen. Sida waalidka oo kale ayaa ay u jeclaadeen”.

Waxbarashadii

Raysalwasaare Abey Axmed waxa uu geeddiga Waxbarasho ka bilaabay dugsiga hoose ee degmada Bashaashaa, oo weli shaqeeya. Laba nin oo ay walaalo yihiin ayaa uu weriyaha barnaamijka diyaariyay waraystay, “Dhammaantayo waa uu naga duwanaa, waxa uu ahaa nin waxa ku cusub aad ugu fiirsi badan” waxaa sidaa yidhi, mid ka mid ah labadiisa walaal ee warramay, waxa aanu intaas ku daray, in Abiyot aanu isku koobin waxbarashada dugsiga ee sida oo kalana uu diintiisa baran jiray. ” waxa uu ku dadaalay in uu raaco dugsiga iyo waxabarashada diintiisa labadaba” ayaa uu yidhi ninka ay walaalaha yihiin raysalwasaaraha oo jooga degmada Bashaashaa, isaga oo la hadlayey BBC News Africa. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in Abiy Axmed yaraantiisii aanu ahayn mid jecel in carruurta ay wakhtigooda ciyaar ku wada qaataan, balse uu ka jeclaa ag-joogga dadka waaweyn, ” Inta la ciyaarao isagu waxa uu doorbidi jiray oo uu la joogi jiray dadka waaweyn” ayaa uu yidhi Abiy walaalkii oo aan warbixinta magaciisa lagu sheegini.

“Isaga oo carruur ah ayaa uu sida dadka waaweyn u dhaqmi jiray” ayaa uu yidhi,isaga oo sidoo kale sheegay in uu ahaa carruurta ay dadku inta badan jecelyihiin. Walaalkiisa kale oo isaga oo hareer fadhiya wariyaha la hadlay ayaa isna sheegay in dabeecadaha ay ku arki jireen Abey Axmed markii uu yaraa ay ka mid ahayd, awood iyo karti uu lahaa in uu dib u heshiisiiyo carruutu marka ay is dilaan. oo uu xidhiidhkooda saaxiibtinimo soo celiyo.
Walaalkiisa hore ee dhinac fadhiyay ayaa inta uu hadalka ka boobo odhanaya, “Marka walaalihii is dilaan isaga ayaa ahaa ka isu keena ee dib usoo celiya xidhiidhkooda” isaga oo intaas ku daray in uu ahaan jiray ruux nabadda jecel. ” Waan ku faraxsanahay raysalwasaare Abiy Axmed, waan ku faraxsanahay in la doortay” waxa isna sidaas yidhi, Tamir Kasmer oo ah wadaadka ka masuulka ah Kiniisadda deegaankan. waxa aanu intaas kusii daray in uu aad ugu faraxsanyahay tallaabooyinka uu illaa hadda qaaday raysalwasaare Abiy Axmed Cali.
Kadib, khudbaddii uu raysalwasaare Abiy Axmed bishii lixaad ee sannadkan ka jeediyay isu soo bixii ballaadhnaa ee ka dhacay magaalada Addis Ababa. Waxaa fagaarihii ka dhacay weerar Banbaane oo ay laba qof ku dhinteen dhawr kalana ku dhaawacmeen.
Raysal wasaare Abey Axmed ayaa intii uu la wareegay talada dalka Itoobiya waxa uu qaadayay tallaabooyin is daba joog ah iyo isbadello waaweyn oo ay ugu weyntahay heshiiska uu la gaadhay dawladda Eritrea oo uu dagaal xooggani ka dhexeeyay muddo ka badan 15 sano.
Source:- Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here