Kormeereyaashii Caalamiga Ahaa Oo Talooyin Ka Bixiyey Doorashooyinka Somaliland Ka Dhacaya 2019ka

0
625

Kormeereyaashii Caalamiga Ahaa Oo Talooyin Ka Bixiyey Doorashooyinka Somaliland Ka Dhacaya 2019ka

Kormeerayaashii caalamiga ahaa ee ka qaybgalay doorashadii madaxtinimada ee ka qabsoontay Somaliland  Bishii November  ee sannadkii hore, ayaa shaaciyey  inay dalka dib ugu soo noqdeen si ay u gudbiyaan warbixintoodii kama  dambaysta ahayd ee ay ku dhawaaqeen  bishii March ee la soo dhaafay, isla markaana  filayaan inay doorashada Baarlamaanka la qaban doono Bisha March ee sannadka 2019ka.

War-saxaafadeed ay maanta  soo saareen Korjoogtadii caalamiga ahayd ee doorashada madaxtooyada  oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, ayey ku sheegeen inay khamiista Beri  ay ku qabanayaan Huteelka Ambassador Huteel ee magaalada Hargeysa shir ay kaga hadlayaan warbixintoodii kama dambaysta ahayd, waxa kaloo ay xaqiijiyeen inay kulankan kaga dareen celin doonaan doorashada baarlamaanka ee  muddada dheer dib u dhacaysay.

Dr. Michael Walls oo ah  Madaxa Goobjoogeyaashii caalamiga ahaa  ayaa  sheegay in doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay  faa’iidooyin badan u lahayd Somaliland, waxaanu xusay inay doorshadaas ka qaybqaateen bulshada ku dhaqan bariga fog ee dalka. Dr. Michael Walls wuxuu intaas raaciyey in Somaliland diiwaangelintii codbixiyeyaasha u adeegsatay sawirka isha bu’deeda ee casriga ah.

Waxa kaloo uu caddeeyey inay rejaynayaan inay Somaliland sii ambo-qaadi doonto  gedi-socodkeeda dhinaca doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda  isla markaana ay  markhaati ka noqon doonaan  doorashada lagu wado inay Somaliland ka dhacdo Bisha March ee kal-dambe.

Goobjoogeyaashu waxay ku baaqeen in la xoojiyo  laamaha sharciga ee korjoogteeya ololaha doorashooyinka Somaliland, in  kor loo qaado aqoonta bulshada ee la xidhiidha dhinaca  doorashada iyo in la tababaro hawl-wadeenada doorashooyinka  iyo xisbiyada. Waxa kaloo ay soo jeediyeen la sii xoojiyo xoriyad u hadalka iyo sidii loo kordhin lahaa  dhaqaalaha qaranku ugu talogalay doorashooyinka waddanka.

Goobjoogeyaashii caalamiga ahaa ee doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 13kii November 2017 waxay ka koobnaayeen 60 xubnood oo ka kala socday 27 dal, kuwaasi oo waddanka ku yimid martiqaad ay ka heleen Guddida doorashooyinka qaranka, waxaanay booqdeen 355 goobood oo ku yaala lixda gobol doorasho ee dalka. Waxaanay shaaciyeen in goobihii ay mareen si nabadgelyo ah oo hufan loo agaasimay  codbixintii doorashadii madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here