5 tallaabood oo Fudud oo Lagaga Dhowrsan Karo Cudur Dilaa ah

0
913

5 tallaabood oo Fudud oo Lagaga Dhowrsan Karo Cudur Dilaa ah

In nidaamkaaga cunno uu noqdo mid caafimaad waa arrin wanaagsan, laakiin waxaa dhici karta inaaney kaa hor istaagi karin in kansarka xiidmaha uu kugu dhaco, waa sida ay qabaan dhakhaatiirta caafimaadka.

Sababaha cudurka lagu qaado ee ugu badan waa miisanka qofka oo kordha, sigaar cabista, alcohol-ka iyo cudurka macaanka noociisa labaad.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa talooyinka qaar oo aad ku yareyn karto in cudurka kansarka xiidmaha uu kugu dhaco:

1- Ha ka fogaan carbohydrates-ka

Carbohydrates ka lama jeclay gaar ahaan marka miisaanka la dhimayo, laakiin khubaradu waxey aaminsan yihiin in fiber-ka laga helaa uu sahlayo socodka cunnada ee gudaha habdhiska dheefshiidka.

2- Khudaarta isticmaal

Daraasaad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in faytamiin C wax badan laga qaato uu yareyn khatarta kansarka xiidmaha.

3- Hilibka cas oo la iska yareeyo

Ururka “Beating Bowel Cancer” ee samafalka ah ayaa sheegay in kansarka xiidmaha uu ku badan yahay dadka raaca nidaamka cunno ee hilibka casaanka ah uu ku badan yahay. Ururka ayaa ku talinaya in isbuucii la isticmaalo in ka yar 500g oo hilibka casaanka ah.

4- Kalluunka badso

Halibka waxaad ku bedelan kartaa kalluun, gaar ahaan salmon-ka iyo sardines-ka.

Daraasad ay sameysay kulliyadda King’s ee caasimaadda London sanadkii 2016 ayaa muujineysa in cunista kalluunka salmon iyo sardines ay yareeyaan khatarta kansarka xiidmaha si aad ah. Sababatuna waa in kalluunkaasi ay ku badan tahay maadada omega-3 oo leh waxyaabo badan oo anti-inflammatory ah oo caabuqyada lagaga hortago.

5- Alcohol-ka fogow

In qofku uu ka dhowrsado alcohol-ka waa shayga ugu sahlan ee kansarka xiidmaha lagaga dhowrsado.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here