Siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga Oo Beeniyay In Xafiis Looga Furay Gudaha Madaxtooyadda

0
536

Siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga Oo Beeniyay In Xafiis Looga Furay Gudaha Madaxtooyadda

Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu ka hadlay wararka sheegaya in madaxtooyada Somaliland xafiis cusub looga furay madasha wada tashiga.

Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu beeniyey wararkaasi.

Wararkan ayaa sheegaayey in madasha wada tashiga Somaliland oo ahayd dalladii mucaaridada adkay ay noqotay mid u adeegta xukuumadda Biixi. Waxaana wararku intaasi ku dareen in siyaasiyiinta ku bohoobay madasha wada tashiga oo uu Eng. Maxamed Xaashi Cilmi kamid yahay ay noqdeen la taliyayaal xukuumadda ah.

Hase yeeshee Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo wareysi siiyey wargeyska geeska Afrika waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay dhammaan wararkaasi.

Ugu danbeyntiina madasha wada tashiga Somaliland ayaan in muddo ah lagu arag warbaahinta iyadoo bulshada Somaliland is weydiinayso halka ay jaan iyo cidhib dhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here