DAAWO: Madaxwayne Farmaajo Oo Si Wayn U Bogaadiyay Bandhiga Boogaagta Ee Ka Socda Magaalada Hargaysa Hambalyona U Diray Qaban Qaabiyayaasha Bandhigaasi

0
881

DAAWO: Madaxwayne Farmaajo Oo Si Wayn U Bogaadiyay Bandhiga Boogaagta Ee Ka Socda Magaalada Hargaysa Hambalyona U Diray Qaban Qaabiyayaasha Bandhigaasi

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray qaban-qaabiyaasha bandhigga buugaagta ee magaalada Hargeysa oo maalinkii Afraad ka socota isla magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka waxaa uu si gaar ah hambalyo ugu diray wakiilka Somaliland ee dalka Ingiriiska Marwo Ayaan Maxamed iyo Jaamac Muuse Jaamac oo ah qaban-qaabiyaasha carwada.

“Waxaan bogaadinayaa qabanqaabiyeyaasha, bahda suugaanta iyo qalin-maalka ka qayb-qaadanaya bandhigga buugaagta ee Hargeysa. Dadka soomaaliyeed waxay leeyihiin Af, Dhaqan iyo Suugaan hodan ah oo ay tahay inaan ilaashanno. Hambalyo Jaamac Muuse Jaamac iyo Ayaan Maxamed” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo

 

https://www.youtube.com/watch?v=1TO22uLuSyQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here