“ 6 Sanno Ayuu Siilaanyo I Lahaa ‘Aamus’ Ragga Maanta Jooga Waxaan Xeerinayay Ha XeeriyaanOo Suuroobi Mayso Berbera, Gabiley & Hargeysa Kaligood Noolaanaya,” Maayarka Burco

0
647

“ 6 Sanno Ayuu Siilaanyo I Lahaa ‘Aamus’ Ragga Maanta Jooga Waxaan Xeerinayay Ha Xeeriyaan Oo Suuroobi Mayso Berbera,Gabiley & Hargeysa Kaligood Noolaanaya,” Maayarka Burco“Beesha Dhexe Lafteedu War Iskama Hayso Oo Qaar Baa Asfala Saafiliin Ah Oo Aan Mushaharkaba Helin Qaarna Way Cantara-Fuufayaan Marka Kolka BahashuSidaas Noqoto Waxa Loo Baahan Yahay Somaliland La Wada Leeyahay,”Hargeysa(DN) Maayarka magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) ayaa sida fiinta uga qayliyay xeerka midaynta cashuuraha oo uu sheegay in uu dhaqaalaha dalka u loogay beesha degta Berbera, Gabiley iyo Hargeysa Somaliland inteeda kalena curyaamiyay. Maayarkan ka tirsan Kulmiye ayaa si weyn u weeraray beesha madaxweyne Biixi oo uu sheegay in dhaqaalihii dalku dhankooda u dheeliyay waxaanu sheegay in aanay suuro gal noqonayn in xoolaha Burco soo mara lagu cashuuro Berbera.“Dhaqaalaha dalku cid gaar ah buu Kooto ugu xidhan yahay, marka aynu ka hadlayno dhaqaalaha dalka ama cashuuraha waxa la yidhaahdo wakhtigii Cigaal bay bilaamatay xeer la yidhaahdo xeer 12 oo aanu imbadan ka qaylinay dadweynaha reer Burco-na waan u sheegay meel kasta oo aanu isugu nimaadnana waan ka sheega waayo waa aafo na haysata oo gobollada Bari dalka ka reebtay waa cuno qabatayn aan cidna uga garaabayn,”Maayar Muraad waxa uu sheegay in Madaxweynihii Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal inka badan 20 sanno ka hor sameeyay xeer 12 oo ku saabsan midaynta cashuuraha. Waxa uu sheegay in xeerkaas ay ku badhaadheen saddex degmo oo Somaliland ah(Berbera, Gabiley iyo Hargeysa), halka inta kalena ay ku qatan tahay. Waxa uu sheegay in xeerkani magaalooyinka qaar curyaamiyay, islamarkaana ay uga dacwoodeen madaxtooyadii hore iyo wasiirradii maaliyadda iyo arrimaha gudaha Siilaanyo laakiin, aan waxba laga qaban.Maayarku waxa uu sheegay in beelaha Somaliland siiba beesha dhexe(Isaaq) badhkood badhaadhay badhna aanay mushaharba helin “Maalin dhawayd waxaan arkayay Suldaan Xasan( Suldaanka guud ee Subeer Awal) iyo sheikh Aadan Siirro oo warbaahinta isku maagaya oo midna leeyahay ‘Somaliland la wada leeyahay ayaa ina deeqi karta’ Aadan Siirro, midna leeyahay ‘waxaasi imika ma jiraan’ Suldaan Xasan. Bahashu meel istaagi mayso, cidda laga cabanayaana way sii kala cabanaysa. Waxa aad arkaysa beelaha darafyada oo leh ‘Beesha Dhexe’ dee beesha dhexe lafteedu war iskama hayso oo qaar baa asfala saafiliin ah oo aan mushaharkaba helin qaarna way cantara-fuufayaan marka kolka bahashu sidaas noqoto in ninku yidhaa ‘waxa loo baahan yahay Somaliland la wada leeyahay xaq buu u leeyahay,” Sidaas ayuu yidhi Duqa Burco.Waxa uu intaasi raaciyay “Xeerkaasi wuxuu sheegaya wax allaale waxa xoolo dhoofaya in Burco la soo dhaafiyo, sababtee loo soo dhaafinaya? Waa wax ilaa hadda aanu garan la’a nahay, inta Burco la soo dhaafiyo Berbera la keeno, Berbera marka la keeno halkaas lagu cashuuro oo cashuurta dawladda dhexe khasnaddeeda ku ridato oo dawladda hoosena xogaa loo tuuro. Arrintaasi mushkiladda dhaqaale yari ee na haysata kow bay ka tahay. Maxaa xoolahayaga Berbera loogu cashuuraya? Haddii kastamdawladeed lagu cashuurayo maxaa kastamka Burco loogu cashuuri waayay? 10% Berbera qaadanayso ilayn anaga xaq u lehe, Burco-na waxay noqonaysa qubanaha suurobi mayso,” Sidaas ayuu yidhi Maayarku.Maayar Muraad waxa uu farriin u diray madaxweyne Biixi iyo masuuliyiintiisa “Waxaanu soo jeedinayna oo ka codsanayna madaxda Qaranka, waar xoolahayaga waddadaa maraya maanta baraarugnay, nin baa laga hayay ‘haddaandoqon ahaa bari oo dammanaa baraarugay, haddaan maahsanan jiray, miyir doorsana bari miiraabay oo muggay waan ilbaxay’,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Muraad.Waxa kale oo uu sheegay in aanu maanta kursigiisa iyo dantiisa gaarka ah ka fikirayn ee aayaha dadkiisa ka fikirayo “ Lexejeclo igama hayso kursiga aan ku fadhiyo, haddii lexejeclo iga hayso waxaan odhan lahaa ‘ Maayar baad tahay ee ha hadlin oo waan aamusi lahaa’ laakiin, lexejeclo waxay iga haysa umaddaaan masuulka ka ahay,” Sidaas ayuu yidhi Duqa Burco.Maayar Muraad waxa uu farriin u diray madaxda beesha uu ka soo jeedo madaxweyne Biixi iyo madaxweynaha laftiisa “ Lix sannadood ayuu madaxweyneSiilaanyo I lahaa ‘Adeer jooji, ha hadlin, aamu,’ waxbaan ka xishoonayay, waxbaan xeerinayay, ragga maanta jooga waxa laga doonaya waxaan anigu ku xishoonayay ee aan xeerinayay ee aan Siilaanyo iyo raggii dawladdiisa ka aqbalayay in aad idinkuna maanta eegtaan oo idinkuna aydaan odhan ‘anaga uun baa noolaanayna’ geedkan la yidhaa kaligii noolaha, waar anaga Gabiley, Hargeysa iyo Berbera in ay kaligii noole noqdaan waar suuroobi mayso,” Sidaas ayuu sheegay Maayarka Burco.Waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in uu wax caddaalad ku dhawo ku maamulo dalka isaga oo aan caddaalad buuxda ka rajaynayn “Madaxweynaha Qaranka, madaxweyne anaga ku dooranay, dadkii ku doortay ayaanu ka midnahay, godob iyo gashi waanu kuu galnay waxaanu kaa doonayna caddaalad, haddaan la helayna wax u eeg. Waxa laga yaaba in su’aal la is waydiiyo ah ‘waa masuul Qaran ina muraad dadka uu la hadlayana waa dadkii dalka u sareeyay ee muxuu ugu tagi waayay? Waar nin Faras dabadii ka degay meel uga toolmoon buu waayay baa la yidhi, maahmaahda sida aaddoonto u akhriyo halkan(Saxaafadda) in aan ka hadla ii fududaatay,”Sidaas ayuu yidhi Mudane Muraad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here