Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ku Dhawaaqey Inuu Dalkiisa Ka Hor Galin Doono Arin Lama Filaan Noqotey + [ Waa Nooca Arinta

0
691

Addis Ababa (DN):- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya,Abiy Axmad, ayaa sheegay in Itoobiya ay khasab ku tahay in ay qaadato nidaamka xisbiyada badan si loo gaadho nabad waarta iyo horumar.Abiy Axmad ayaa hadalkan jeediyay mar uu magaalada Addis Ababa kula kulmayay hoggaamiyeyaasha in kabadan 50 xisbi siyaasadeed, xilli isbadal weyn oo siyaasadeed uu ka socdo dalkaasi.Muddo sanada ah ayaa xisbiga haya talada dalkaasi waxa uu adeegsanayay cabbudhin shacab si uu u siihayo hoggaanka dalka, waxaana markastaa dhacayay in guud ahaan kuraasta baarlamaanka uu xisbigaasi ku guuleysto mar kastaa oo ay doorasho dalkaasika dhacdo.Cabudhinta iyo xadhigga kumannaanka qof ee ay dowladda ku dooneysay in ay xukunka ku sii haysato ayaanan u suurtagelin in ay ka hortago muddaharaadyo ka dhan ah dowladda oo soconayay muddo laba sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here