NAXDIN : Dunida oo Laga Sugayo Dayax Madoobaadkii ugu Waqtiga Dheeraa Qarnigan 21aad

0
715

NAXDIN : Dunida oo Laga Sugayo Dayax Madoobaadkii ugu Waqtiga Dheeraa Qarnigan 21aad

Dadka jecel dhacdooyinka astronomy-ga waxey sugayaan oo nagu soo aaddan dayax madoobaadkii ugu waqtiga dheeraa Qarniga 21aad, kaas oo la filayo Jimcaha soo aaddan ee July 27, 2018, oo laga arki doonto inta badan dowladaha Afrika, Yurub, Aisia, Asturalia, qeybta bari ee Mareykanka, ku darso badweynta Pacific, Atlantic, Indian iyo Antarctica.

Dhacdadan ayaa lagu tilmaamaa iney tahay “Daxyax madoobaadka dhiigga u midabka eeg, midabka dayaxa ayaa isku bedelaya midabka maarta si aan dhammeystirneyn.

Mac’hadka Qaranka ee Astronomical-ka  iyo Geophysics-ka dalka Masar ayaa sheegay in dayax madoobaadka uu mari doonto shan marxaladood, marxaladda,dayaxa u ekaanaya sidii in uu hoos ku jiro oo kale qeyb ka mid ah, si dhammeystiran, qeyb ka mid ah, iyo mar uu hoos inuu ku jiro oo kale uu u ekaanayo, muddo 6 saacadood ah iyo 14 daqiiqo ku dhaawaad ayuuna qaabkaa isku bedbedalayaa.

Mac’hadkan ayaa sheegay in dayax madoobaadku uu si dhammeystiran uu noqonayo muddo 43 daqiiqo ah, waana mudada ugu waqtiga dheer Qarnigan 21aad.

Ashraf Tadros madaxa qeybta Astronomy-ga ee mac’hadkan oo bayaan soo saaray ayaa yiri: “Dayax madoobaadka habeenka 27-28 July, waxayaabaha lagu arki doono waxaa ka mid ah in waqtigiisu uu yahay habeen dayaxu uu dhammeystiran yahay bisha Dulqacada ay kala bar tahay sanadka hijriga ee 1439.”

Waxaa xusid mudan, in dayax madoobaadkii ugu gaabnaa sanadkan uu ahaa April 4, 2005, mudadiisu waxey gaareysay 4 daqiiqo iyo 48 ilbiriqsi.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here