Doon nooca dalxiiska oo degtay Kuna dhinteen 9 qof oo hal qoys ka wada tirsan

0
690

Doon nooca dalxiiska oo degtay Kuna dhinteen 9 qof oo hal qoys ka wada tirsan

Guddoomiyaha Mussori wuxuu sheegay Doonta ku degtay balliga Missouri iney ku dhinteen 17 qof oo dalxiisayaal ah 9 ka mid ahna ay yihiin kuwo hal qoys ka wada tirsanaa.

Gudoomiye Michael Parson wuxuu la hadlay “haweeneyda shilkaasi 9 ka mid ah ku weyday qoyskeeda ka koobnaa 11 qof”.

Mar uu u warramayey telefishiinka CNN wuxuu yidhi “uma helayo erey aan ku cabbiro masiibada qoyskan soo gaartay”

Doontu waxau sidday 31 qof oo dalxiisayaal booqanayey goobaha dalxiiska ku habboon, iyada oo ku rogmatay balliga sidaana ku degtay.

dadka shilkaasi ku dhintayna waxay da’doodu u dhaxeysaa Gu’ jir ilaa 70 jir.

Afhayeen dowladda u hadlo wuxuu BBC-da u sheegay dadka shilkaasi ku waxyeelloobay xogtooda oo dhameystiran inaan wakhti xaadirkan la ogaan karin iney ahaayeen qoys kal jaad ah iyo iney ahaayeen aabba iyo hooya 9 carruur ah watay.

Guddomiye Parson wuxuu CNN u sheegay qoyski 11-ka qof koobnaa iney shilka ka badbaadeen oo keli ah aayada qoyska iyo ilma 13 jir ah.

Guddoomiyaha Missouri ike Parson (bidixda jira)Lahaanshaha sawirkaCBS
Image captionGuddoomiyaha Missouri ike Parson (bidixda jira)

Shir jaraa’id oo ku saabsan doonta degtay oo Jimcihi la qabtay waxba lagama sheegin iney dadka doonta saarnaa ay xirnaayeen jaakadka dabaasha iyo inkale xilliga ay doontu dageysay iyo iney dabeyshu geddiday doonta midna.

Sawir baraha bulshada lagu baahiyey oo muujineysa doonta oo cimilada la daalaa dhaceysaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionSawir baraha bulshada lagu baahiyey oo muujineysa doonta oo cimilada la daalaa dhaceysa

Patersan wuxuu CBS u sheegay shirkadda doontan iska leh waxaa ay shaqeyneysay muddo 47 sana ah, ninka doonta naakhuudaha ka ahaana uu waaya aragnimo 16 sana ah uu leeyahay.

Wuxuuna intaa ku daray iney doontu saarnaayen jaakeedyada badbaadada ee dabaasha loo adeegsado, balse sharci Missouri sida uu dhigayo rakaabka lama faro iney jaakeedka marka horaba sii xirtaan.

Khariidad muujineyso balliga Missouri Mareykanka halka uu kaga yaallo
Image captionKhariidad muujineyso balliga Missouri Mareykanka halka uu kaga yaallo

Dhacdada noocan ah oo ay doon ku degtay balli ku dhintaan waxay dhacday 1999, xilligaasi oo ay 13 qof oo 3 carruuy yihiin ay ku dhinteen doon ku degtay balliga Hamilton.

Sababta doonta ay ku degtay oo mar dambe la shaaciyey ayaa lagu sheegay biyaha badan oo doonta gudaheeda kale iyo buudiga kore ee doonta oo ay waxyeello soo gaartay biyahana celin weyday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here