Jabuuti Oo War Ka Soo Saartey Dagaalka Dhanka Xuduuda Ee Kala Dhaxeeyey Dawlada Eritrea

0
621

Jabuuti (DN<):- Dowladda Jabuuti ayaa xoghayaha guud eeQaramada Midoobay Antonio Guterres ka codsatay in uu gacan ka geysto sidii muranka xudduuda ee kala dhaxeeya dalka Eritrea, sidaay faafisay wakaaladda wararka AP.Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay heshiis nabadeed wada sixiixdeen Eritrea iyo Itoobiya kadib 20 sano oo ay dirir ka dhaxaysay.Safiirka Jabuuti u fadhiya Qaramada MidoobayMaxamed Siyaad Ducaale ayaa warqad u qorayxoghayaha guud, wuxuuna ku sheegay in laga shaqeeyo heshiis labada dhinacba u cuntami karo oo lagu dhameeyo colaadda u dhaxaysay labada dal.Hase yeeshee waxa uu sheegay in Jabuuti ay doorbideyso in arrinka la hordhigo garsoor caalami ah si ay go'aan uga gaaraan.Jabuuti ayaa Eritrea ku eedeysay in ay ciidamadeeda si sharci darro ah ku qabsadeen buuraha Dumeeyra isla markii ciidamadii nabadillaalinta ee Qatar ka socday ay ka baxeen halkaas sanadkii hore.Waxa kale oo ay Jabuuti sheeganaysaa in wali laga haysto maxaabiis dagaal oo aanan meelna lagu sheegin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here