MUQDISHO : Maxkamadda Ciidamada oo xukun xabsi ciidan ku riday 18 askari lagu eedeeyay inay wadeen falal Amni Daro

0
726

MUQDISHO : Maxkamadda Ciidamada oo xukun xabsi ciidan ku riday 18 askari lagu eedeeyay inay wadeen falal Amni Daro

Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xabsi ciidan oo min shan sano ah ku riday illaa 18 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamada xukunka lagu riday ayaa ka tirsanaa Guutada 14 October, kuwaasoo la aas aasay kaddib qaraxii Zoobe ee 14 October ee sanadkii hore.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ayaa askartan ku soo eedeeyay inay ciidamada dhexdooda ka dhex abuureen qalqal, arrimo qabiil iyo falal kale oo ka baxsan anshaxa ciidanka.

Dhageysiga dacwada askarta ayaa maalmihii la soo dhaafay socday, waxaana la sheegay in qaar ka mid ah askarta ay qirteen falalkii ay ku guda jireen, sida uu sheegay G/lle Dhexe Xasan C/raxmaan Aadan oo loo yaqaano Waabiyo oo ka tirsan Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Maxkamadda Ciidamada ayaa qaada kiisaska la xiriira fal dambiyeedyada ay galaan ciidamada kala duwan iyo dadka ku eedeysan inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here