Ethiopia oo muddo 20 sano kaddib Safiir cusub u magacawday Eritrea

0
685

Ethiopia oo muddo 20 sano kaddib Safiir cusub u magacawday Eritrea

Dowladda Ethiopia ayaa markii u horeysay muddo labaatan sano kaddib safiir cusub u magacawday dalka Eritrea.

Ridwaan Xuseen oo horay u soo noqday Safiirka Ethiopia u fadhiyay Ireland, ayaa wixii hadda ka dambeeya noqon doona safiirka rasmiga ee Ethiopia u fadhin doona magaalada Asmara.

Xiriirka labada dal Ethiopia iyo Eritrea ayaa dib u soo hagaagay, waxaana bilowday calaamado muujinaya isu soo dhowaansho iyo in la soo afjaray colaadii mudada labaatanka sano u dhaxeysa.

Ethiopia ayaa dib u furi doonta Safaaradeeda Asmara, maalmo kaddib markii Eritrea ay dib boorka ugu jaftay Safaaradeedii booreysatay ee Addis Ababa oo muddo labaatan sano xirneyd.

Tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee labada dal qaadeen ayaa waxaa uu u gogol xaarayaa in xasilooni ka dhalata Gobolka Geeska Afrika.

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa dib u bilowday duulimaadkeeda Eritrea, waxaana shalay in ka badan afar boqol qof u qaaday magaalada Asmara, rakaabka la socday diyaaradaas waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here