Caado Si Maalinle ah Ay U Sameeyaan Dumarka Qaar oo Dhalmo La’aaan u Keenta

0
1301

Caado Si Maalinle ah Ay U Sameeyaan Dumarka Qaar oo Dhalmo La’aaan u Keenta

Cilmi-baarayaal ayaa waxey gaareen daahrog ay ku tilmaameen inuu yahay mid khatar ah, caado maalinle ah oo ay dumarka qaarkood ay sameeyaan oo u keeni karta dhalmo la’aan ama nidaamka bacraminta jirkooda uu hooseeyo.

Daraasaddan oo ay diyaarisay jaamacadda Bergen ee Norway, laguna soo daabacay wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa lagu ogaaday in dumarka raaca nidaamka cunno oo aan ahayn mid caafimaad uu u keeni karo iney la dhibaatoodaan duxda oo dhiiggooda ku badata, waxey aad ugu dhow yihiin madhleysnimo ama heerka macraminta jirkooda oo yaraata.

Daraasaddan ayaa lagu baaray xogo caafimaad oo laga uruuriyay caruurta Norway lagu dhalay, gaar ahaan koritaankooda iyo taariikhdooda caafimaad, gaar ahaan goobaha miyiga inta u dhaxeysay 1994 ilaa 2003.

Daraasaddan ayaa waxaa ka qeybgalay 4,322 dumar ah  oo ay ku jiraan 2,157 haween ah oo haysta labo caruur ah iyo in ka badan, iyo 488 dumar ah oo haysta canug kaliya iyo 1,677 dumar ah oo aan weli dhalin.

Daraasaddan ayaa tilmaantay dumarka aan weli dhalin iyo kuwa hal canug oo kaliya haysta ay lahaayeen taariikh caafimaad oo ka duwan dumarka dhalay labo caruur ah iyo in ka badan.

Daraasadda ayaa lagu caddeeyay dumarka haysta hal canug ama aan weli dhalin in ay ahaayeen kuwo miisaankoodu culus yahay lana dhibaatoonaya cudurrada Sonkorta iyo wadno xanuunka, sababtuna waa dhiiggooda oo dufanku ku badan yahay.

Dr. Katie Berlacher oo cudurrada wadanaha ku takhsustay ayaa tiri: “Daraasaddani aad ayey muhiim u tahay, laakiin waxey heshay xiriir ka dhaxeeya dufanka dhiigga iyo dhalmo la’aanta, cilmi-baarisyo badan oo la sii sameeyo ayaa lagu daahrogi karaa lama filaan kale.”

Waxey hadalkeeda sii raacisay : “Waxaa hubaal ah in duxdu oo dhiigga ku yaraataa ay firfircooni geliso dhammaan xubnaha kala duwan ee jirka oo ay ka mid yihin heerka qaabilaadda bacraminta, dumarkaa waxaa u suuraggal ah in ay dhakhaatiirta kala hadlaan nooca cunno ee ay qaadanayaan ee jirkooda faa’iidada u leh, sida raashinka Mediterranean sea iyo jimcisiga jirka laga sameeyo.”

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here