Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Sweden

0
744

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Sweden

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay magaalada Brussels dhiggiisa Sweden Margot Wallström, oo ka qeybgashay gabagabada Madasha Wax wadaagga Soomaaliya oo ay goobjoog ka ahaayeen deeqbixiyeyaasha caalamiga.

Labada Wasiir ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo joogteyn lahaa taageerada Soomaaliya.

Dowladda Sweden ayaa door weyn ku laheyd qaban qaabada shirka Brussels, waxaana wasiirkeeda Arrimaha Dibadda ay balan-qaaday inay sii wadayaan taageerida Soomaaliya.

Sweden waxa ay ka mid tahay kuwa taageera isbadalka iyo horumarka Soomaaliya, waxa ayna ka qeyb tahay dalalka ugu muhiimsan ee barbar istaagan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here