Booliis baadi goobaya Dhaqtar Caan ku ahaa Qurxinta Haweenka

0
771

Booliis baadi goobaya Dhaqtar Caan ku ahaa Qurxinta Haweenka

Nin Dhaqtar ah caana ka ahaa dalka Brazil ayaa la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay, kadib markii ay geeriyootay Haweeney uu cirbad ku duray si uu ugu qurxiyo qeybo kamid ah jirkeeda.

Dr Denis Furtado (Dr Bum Bum) ayaa caan ku ahaa qaliinada lagu sameeyo haweenka quruxda doonaya, waxa uuna dhaqtarkan caan ka ahaa gudaha Brazil isagoona barnaamijyo aad loo daawado kasoo deyn jiray Telefishin.

Waxaa la sheegay in Dhaqtarkan uu cirbad ku duray haweeney ugu tagtay in uu u weyneeyo qeybaha dambe ee jirka, hasa ahaatee dhaqtarka ayaa cirbad uu ku duray haweeneydaasi u geeriyootay.

Haweeney lagu magacaabo Lilian Calixto, ayaa dhaqtarka ugu tagtay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Rio de Janeiro, waxaana haweeneydan xanuunsatay markii cirbad lagu duray uuna waday dhaqtarka sanceynta waxii ay ka dalbatay.

Booliiska ayaa sheegay in dhaqtarka haweeneydan ula carartay isbitaal kadib markii ay xanuunsatay intii uu sancada ku waday, waxaana haweeneydan saacado kadib ku geeriyootay isbitaalkii la geeyay.

Dhatarka ayaa la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay markii ay geeriyootay  Lilian Calixto, waxaana booliiska hada wadaan baadi goobka dhaqtarkan loo heesto dhimashada haweeneydaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here