DAAWO : Ciidanka Mareykan Ayaa La Wareegay… Gaari Naadir Ah oo uu Lahaa Saddam Hussein oo Lagu Soo Bandhigay Mareykanka

0
918

DAAWO : Ciidanka Mareykan Ayaa La Wareegay… Gaari Naadir Ah oo uu Lahaa Saddam Hussein oo Lagu Soo Bandhigay Mareykanka

Website Mareykan ah ayaa faafiyay sawirro iyo muuqaal gaari naadir ah oo uu lahaa madaxweynihii hore ee Ciraaq “Saddam Hussein.

Sida uu qoray website-ka “Detroit Free Press” ee dalka Mareykanka laga leeyahay, gaarigan waxaa lagu soo bandhigay carwada gawaadhida ee Concours d’Elegance” ee gudaha dalka Mareykanka, Arbacadii July 11, waa gaari nooca “Bentley” loo yaaqaanno ah oo model-kiisu yahay 1958.

Gaarigan ayaa markii ugu horreeysay lagu soo bandhigay filimka “Al Malik Ghazi” xukumi jiray Iraq sagaashameeyadii Qarnigii hore, gaarigan ayaa waxaa jeclaaday madaxweyn Saddam Hussein, laakiin milkiilihii gaariga oo lagu magacaabi jiray “Janaabi” ayaa diiday inuu ka iibiyo, kadib dowladda ayaa kala wareegtay. Gaarigan ayaa waxaa la wareegay Mareykanka markii ay Iraq qabsadeen sanadkii 2003, sida uu website-ku sheegay.

Sida uu tilmaamayo muuqaalka ciidanka Mareykan ayaa la wareegay gaariga oo xilligaa dhibaatooyin daran uu ka soo gaaray weerarradii cirka ee lala beegsanayay qasriga wadaxtooyada Ciraaq, gaarigan ayaa waxaa iibsaday nin Mareykan ah oo ka iibsaday milkiilihii asal u lahaa gaariga oo keenay warqadihii uu gaariga ku iibsaday.

Gaarigan ayaa dib u habeyn lagu sameeyay, noociisa oo kale waxaa dunida ka yaalla 31 gaari oo qura.

Maandeeq FM    

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here