Trump oo xidhiidhka xumaaday ee Ruushka iyo Maraykanka ku dhaliilay dalkiisa

0
697

Trump oo xidhiidhka xumaaday ee Ruushka iyo Maraykanka ku dhaliilay dalkiisa

Dhawr saacadood uun ka dib kulankii uu Madaxweyne Putin kula yeeshay Helsinki, ayaa Madaxweyne Trump waxa uu sheegay in aanu rumaysanayn in Ruushku farogeliyey doorashadii uu isagu xilka kula wareegeey.

Trump waxa uu sheegay in hogaamiyaha Ruushku si adag u beeniyey {eedda ah} in Moscow hanaanka dimuqraadiyadeed sinaba u faro gelisay, isla markaana aanay oollin sabab uu u rumaysan waayaa.

Mar la weydiiyey uu aaminsanyahay laamaha sirdoonka dalkiisa ayaa waxa uu Trump ku jawaabay in aanu hubin inuu ku kalsoon yahay iyo in kale.

Hal eray oo dhaliil ah kama uu sheegin Ruushka, waxaanu inta badan eedda xidhiidhka laba dal ee xumaaday saarayey Maraykanka.

Trump iyo Putin labaduduba waxay ku sheegeen kulankii Helsinki mid midho dhal ahaa. Trump na waxaabu ku tilmaamay in uu bar bilow cusub u noqday xidhiidhka labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here