Putin oo beeniyey inuu hayo xog dhaawici karta sumcadda Trump

0
776

Putin oo beeniyey inuu hayo xog dhaawici karta sumcadda Trump

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa wax “aad loogu qoslo” ku tilmaamay in dadka qaarkood u haystaan in dalkiisu saamayn karayey natiijada doorashadii madaxtinimada Maraykanka ee 2016-kii.

Waraysi uu siiyey Telefishanka Fox News ee Maraykanka shir madaxeedkii Isniintii ka dib, ayaa waxa Putin ku dooday in dalkiisu aanu lahayn karti uu kula falgali karayey ololihii madaxtinimada ee Trump ku jiray.

Waxa kale oo uu beeniyey in uu hayo xog “wax u dhimi karta sumcadda” madaxweynaha Maraykanka ama qoyskiisa.

Putin waxa uu sheegay in aanay haboonayn in xidhiidhka Ruushka iyo Maraykanku u xayirmo khilaafka siyaasadeed ee gudaha Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here