Baarlamaanka Masar Oo Ansxiyay Xeerar Cusub + [ Maxuu Sheegayaa Xeerka Cusub ]

0
812

Qahira (DN):-Baarlamaanka dalka Masar ayaa Isniinti shalay ansixiyay dhowr qodob oo sharci ah oo uu ku jiro xeer u ogolaanaya dadka ajnabiga ah in ay heli karaan jinsiyadda Masar haddii ay dhigtaan bankiyada dalkaasi lacag dhan$400,000 afar boqol oo kun oo dollar.Sharcigan ayaa dhigaya in qofka ajnabiga ah uu fursad u helayo inuu noqdo Masri haddii uu akownkiisa bankiyada Masar uu muddo shan sano ah uu dhigto 7 milyan oo giniga Masar ah isla markaana uu muddaaasi daganaato Masar.Xeerkaan oo u baahan inuu saxiixo madaxweyne Abdel Fattah el-Sissi ayaa qeylo-dhaan xoog leh ka dhaxdhaliyay gudaha baarlamaanka iyo sidoo kale baraha bulshada.Haitham el-Hariri oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa ku eedeeyay dowladda in ay iibineyso dhalashada Masar si ay usoo jiidato maalgeliyaasha ajnabiga ah.Sidoo kale baarlamaanka Masar ayaa shalay ansixiyay xeer diidaya in aanan wax maxkamad ah lasoo taagi karin saraakiisha sare ee millatariga dalkaasi gaar ahaan kuwi hagayay ciidamada qalalaasihi dalkaasi ka dhacay sannadki 2013-ki ee lagu afganbiyay madaxweynihi hore Mohamed Morsi.Muddadaasi ayaa waxaa la dilay boqolaal ruux oo ka mudaaharaadayay afganbigi xakunka looga tuuray Mursi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here