Raggii weeraray nawaaxiga Madaxtooyada oo ku labisnaa tuutaha cusub ee guutada…

0
608

Raggii weeraray nawaaxiga Madaxtooyada oo ku labisnaa tuutaha cusub ee guutada…

Iyadoo shalay dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada, gaar ahaan Koontaroolada ciidanka loo yaqaano Koofiyo Casta ayaa waxaa la ogaaday in dharka ay xirnaayeen raggii hubeysnaa uu ahaa tuutaha cusub ee ciidanka Milateriga ee loogu magac daray guutada 14 October.

Meydadka illaa saddex ka mid ahaa maleeshiyada weerartay koontaroolka dhanka Isgoyska Ceel Gaabta ayaa saaka lagu arkayay meel aan sidaa uga fogeyn isgoyskaas, waxaana ay xirnaayeen dareyskii milateriga ee cusbaa.

Dharka ay xirnaayeen ayaa ahaa tuutaha ciidanka ku jira xerada Jen. Gordon oo loogu magac daray Guutada 14 October, waxaana jira su’aalo kala duwan oo la iska weydiinayo sida ay Al-Shabaab ugu suura gashay inay ku helaan dharka milateriga.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhowr jeer oo hore kormeeray xerada ay ku jiran Ciidamada 14 October, waxaana la arkayay askarta oo labisnaa dareyska cusub oo sameynaya dhoolatus ciidan.

Ciidamada ku jira Xerada Jen. Gordon oo horay u maamuli jiray Imaaraadka Carabta ayaa isugu jiray ciidan horay u joogay Xerada iyo Ciidan cusub oo la qoray wixii ka dambeeyay weerarkii dadka faraha badan ku dhinteen 14 October ee sanadkii hore ee Isgoyska Zoobe.

Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada ismiidaaminta iyo kuwa tooska ee ay ka fuliso magaalada Muqdisho u adeegsata dharka ciidamada, waxaana bishii October weerarkii ay ku qaadeen koontaroolka Sayidka iyo agagaarka Madaxtooyada raggii fuliyay ay xirnaayeen dareyska cusub ee Ciidamada Booliska la siiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here