Madaxweyne ku baaqay in lagu shaqeeyo maxaabista

0
567

Madaxweyne ku baaqay in lagu shaqeeyo maxaabista

Madaxweynaha Tanzania ayaa ku baaqay in maxaabista dalkaasi lagu shaqeeyo sacaado dheer haddii ay wax qaban waayaan la ciqaabo.

Madaxweyne John Magufuli ayaa hadalkani sheegay xilli uu ka qayb galayay munaasabad lagu caleemo saarayay madaxda xabsiyada dalkaasi.

Wuxuu sheegay in maxaabista ay cunnada ku abuurtaan dhulka ku yaalla xabsiyada.

” waxaa ceeb ah in dalka uu sii wado quudinta maxaabista, dhammaan maxaabista waxay haystaan dhul baaxad leh oo ay beero cunnada kasoo g’o ay ku abuuran karaan”

Madaxweyanaha ayaa sidoo kale ku baaqay in xaasaska aysan booqanin raggooda ku jira xabsiyda.

 

Magufuli wuxuu ka dhawaajiyay in camal la’aanta hayso maxaabiista ay u horseeday inay isticmaalaan daroogada iyo inay ku dhaqaqaan falal anshax xumo ah.

Ururrada u dodo xuquuqda rayidka ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Tanzania inuu samaynayo caddaalad darro.

Magufuli ayaa shacbiyda badan lumiyay tan iyo intii xilka qabtay kaddib markii bartilmaameedsaday warbaahinta iyo xubnaha mucaaradka dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here