Madaxweyne Farmaajo Oo Muqdisho Ka Dhoofaya , Ujeedka Safarkiisa Iyo Halka Uu Ku Jeedo + [ Akhriso ]

0
527

Moqdisho (DN):-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka amba bixi doona magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda magaalada Brussels ee daka Belgium-ka.Magaaladaas ayaa waxaa ka fumri doona shir ballaadhan oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale ka qeybgalaya maamul goboleedyada dalka, AU, IGAD,EU,UN iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadlidoonaa arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, dhaqaalaha Soomaaaliya, dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, howlgalka Amisom iyo arrimo kale oo muhiim ah.Sidoo kale, ajendaha shirkaan ayaa waxaa qeyb ka ah dagaallada Tukarraq iyo sida xal looga gaari karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here