Dooni Muhaajiriin Sidda Oo Ay Isku Maan Dhaafsan Yihiin Talyaaniga Iyo Malta

0
567

Dooni Muhaajiriin Sidda Oo Ay Isku Maan Dhaafsan Yihiin Talyaaniga Iyo Malta

Talyaaniga iyo Malta ayaa muran cusubi ka dhex aloosmay, kaas oo ay isku maan dhaafsanyihiin dalka ay tahay masuuliyadiisa in uu qaabilo muhaajiriinta saaran maraakiibta badda Mediterranean-ka ka samatabixisa.

Xukuumadda Malta ayaa sheegtay in doonni kalluumaysi oo loox ka samaysan oo ay saaran yihiin afar boqol iyo konton qof ay doonayso in ay ku xidhato jasiiradda Lampedusa.

Waxay sheegtay in doonidaasi ay haatan ku jirto badda Talyaaniga Maltana ay waajibaadkii ka saarnaa gudatay. Laakiin wasiirka arimaha gudaha Talyaaniga ee siyaasadihiisu midigta fog yihiin, Matteo Salvini, ayaa ku adkaysanaya in muhaajiriintaasi ay ka ka degaan dekadaha Malta.

Waxaanu sheegay in doonidaas aan loo ogolaan doonin in ay ku xidhato dekadaha Talyaaniga. Bishii hore ayaa Malta waxa lagu dirqiyey in ay ogolaato in markab u shaqeeya urur samofal oo Jarmal ah oo ay saarraayeen in ka badan laba boqol oo qof oo muhaajiriin ahi uu ku xidho dalkeeda, hase yeeshee dhawr maalmood oo iyada iyo Talyaanigu arintaa isku mari waayeen ka dib ayaa markabkaasi wuxuu markii dambe u shiraacday xagga Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here