Ma Iswaydiisay Sirta Ka Dambeysa Dhammaadka Magacyada Laacibiinta Croatia ee “ić”

0
785

Ma Iswaydiisay Sirta Ka Dambeysa Dhammaadka Magacyada Laacibiinta Croatia ee “ić”

Xulka Croatia waxey koobka adduunka kusoo bandhigeen ciyaar wanaag iyo adkeysi wax u dhigmaa aaney jirin, waxey hadda joogaan kama dabeysta koobka iyadoo ay jirto iney saddex kulan oo xiriir ah ay soo ciyaareen waqti dheeraad ah oo 30-daqiiqo oo ciyaarta lagu daray.

Dadka la socda ciyaaraha xulkan, waxaa soo jiidanaya magacyada laacibiinta oo mid kasta ku dhammaado “IC” ij, sida; Mario MandzukicLuca ModricIvan Rakitic. Kaligood maaha, inta badan muwaadiniinta Croatia ayaa la qaba oo gaarya 4.2 milayn oo qof oo xeerkaasi ku dhaqma.

Arrintan ayaa ah caado hore oo qadiimi ah oo khasab ka dhigeysa in magaca la raaciyo “iJ- ić”, waana marka magaca loo tiiranayo naaneysta qoyska uu qofku ka soo jeedo, markaa  ić waxey ka dhigan tahay “ina hebel” oo kale, laacibka Luca Modric macnihiisu waxa uu noqonayaa: “Luca ina Modr”.

Waxaa la tilmaamayaa in dhaqankan mid la mid ah ay leeyihiin dowladaha Scandinavian-ka oo isticmaalaan; sida Sweden, Iceland, oo magacyada dadkoodu uu ku dhammaado <<sson>>, sidaas oo kale Denmark iyo Norway waxaa laga isticmaalaa <<sen>> oo la macno ah “Ina”.

Xigasho Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here