5 Caado oo Cimridherer Kuu Horseedi Kara… Cilmi-baarisyo Harvard & Jaamacado Kale Ay Sameeyeen

0
868

5 Caado oo Cimridherer Kuu Horseedi Kara… Cilmi-baarisyo Harvard & Jaamacado Kale Ay Sameeyeen

Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Harvard iyo Jaamacado kale oo ka dhisan gudaha dalka Mareykanka ayaa  xadiday shan caado oo kaa taageereysa in cimrigaagu dheeraado 10-sano, haddii dhammaan lagaa wada helo oo aad la wada timaaddo.

  1. Khubarada Cilmi-nafsiga Jaamacadda Harvard waxey hoosta ka xarriiqeeyeen in xiriirka joogtada ah ee asxaabtaada kaala dhaxeysa ay cimirigaaga kordhin karto 5-7-sano marka loo barbardhigo kuwa kale ee kalinimada ku nool.
  2. Sidaas oo kale inaad ka fogaato cabitaannada alcohol-ka waxaa laga dhaxlaa cimirdherar, sida lagu sheegay xogo ka soo baxay kulliyadda caafimaadka Mareykanka iyo dhakhaatiirta wadanaha.
  3. Khubaradan ayaa sidoo kale waxey sheegeen in fursadda nolosha kadib 80-jirka ay kor u kacayso dadka si dhex dhexaad ah wax u cuna oo aan raashiinka ka dhargin marka ay cunayaan.
  4. Intaa waxaa dheer, natiijada daraasad ay soo saartay jaamacadda St. Louis ayaa lagu ogaaday colories-ka hooseeya ee cunnada in uu gaabis u keeno hormoonka T3 kaas oo dedejiya gabowga qofka.
  5. Qofku inuu cuno Khudaarta iyo fruits-ka si nidaamsan oo maalinle ah waxey ka yareynaysaa iney ku dhacaan cudurrada wadanaha iyo dhiigga, maadama ay ku badan yihiin maaddooyinka Antioxidant.

Arrimahaas oo dhan waxaa barbar socda, howsha ugu fudud ee cimriga lagu dheereeyo 7-10, waa jimicsiga oo la sameeyo iyo sigaarka oo laga fogaado.

FG: nolosha iyo geerida gacanteenna kuma jirto, laakiin waxa la ina faray waa dadaal.

  1. Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here