Baarlamaanka South Sudan oo meel mariyay isbedel dhanka sharciga ah

0
630

Baarlamaanka South Sudan oo meel mariyay isbedel dhanka sharciga ah

Barlamaanka dalka South Sudan ayaa u codeeyay in mudo xileedka madaxweynaha dalkaasi, Salva Kiir Meyardii lagu kordhiyo saddex sano oo dheeraad ah, taasi oo laga yaabo in carqalad horleh ay ku keento wadahadalada nabadda ee imika u dhaxeeya dowladda dalkaais iyo hogaamiyaha fallaagada, Riek Macahar.

Kumanaan kun oo qof ayaa ku dhimnatay collaada ka taagan dalkaasi, halka boqolaal kun oo kalena ay u barakeceen wadamada deriska ah.

Sharci dejiyeyaasha Koonfurta Sudan ayaa meel mariyay isbedel lagu sameeynayo sharciga dalkaasi kaas oo madaxweyne Salva Kiir u ogolaanayo in uu wadanka sii xukumo ilaa sandka 2021-ka.

Mudda xileedkiisa ee dowladan ku meel gaarka ah ayaa ku eg Dhamaadka sanadkaan.

Wadahadlada ay madaxda gobolka ku dhex-dhexaadinyaan kiir iyo Machar ayaa la sheegaya in ay u badantahay in ay mira dhalaan mustaqbalka dhow.

Balse tallabadaan ay baarlamaanka qaadeen oo ay ku bedelayaan sharciga wadanka ayaa laga yaabaa ay xaaladda sii adkeyso.

Madaxweyne kiir iyo Riek Machar ayaa bishii aynu soo dhafnay kulmay marki ugu horeeysay ku dhawaad muddo labo sano ah. Waxa ayna labaduba saxiixeen heshiis xabad joojin ah.

Salva Kiir ayaa wadanka madaxweyne ka ahaa tan iyo markii dalkaasi koonfurta sudan ay sanadii 2011-kii ka xuroobeen Sudan. Waxaana la hakiyay doorashooyin lagu waday in ay dalkaasi ka dhacaan sanadkii 2015-kii.

Dagaalkan sokooye ayaa waxa uu dalkaasi ka bilowday sanadkii 2013-kii, kadib markii uu khilaaf dhaxmaray Mr Kiir iyo Machar oo xiligaasi ahaa ku xigeenkiisa.

 

Bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here