Wasiir Ka Tirsan Dawladda Ingiriiska Oo Sheegay Inay Doonayaan In Wada-Hadal Lagu Xaliyo Dagaalka Tuka-Raq

0
572

Wasiir Ka Tirsan Dawladda Ingiriiska Oo Sheegay Inay Doonayaan In Wada-Hadal Lagu Xaliyo Dagaalka Tuka-Raq

Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay danaynayso in colaadda tuko-raq ee gobalka Sool lagu soo afjaro wada hadal iyo heshiis buuxa.

Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda iyo dalalka barwaaqo sooranka Ingiriiska Ahmad of Wimbled oo toddobaadkan Baarlamaanka Ingiriiska lagu weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahayd talaabooyinka ay dawladda Ingiriisku qaaday si loo yareeyo xiisada ka taagan Tuko-raq iyo weliba in laga caawiyo Qaramada Midoobay wada hadal nabaded oo arrintan laga galo ayaa wuxuu yidhi wasiirku, “Ingiriisku wuxuu aad uga walaacsanyahay isku dhacyadii dhawaan dhex maray Somaliland iyo Puntland. Safiirkayagu wuxuu sii wadaa inuu arrintan kala hadlo madaxweynayaasha Somaliland, Puntland iyo dawladda Soomaaliya si uu ugu dhiirigeliyo hoggaamiyayaasha dhinacyada oo dhan inay bilaabaan inay ka shaqeeyaan wada hadal midho dhala iyo inay ka fogaadaan ficilada ama isku dhacyada xiisad abuuri kara ama kor u qaadi kara khatarta isku dhacyo kale. Si dhow ayaanu ugala shaqaynaynaa saaxiibada caalamka oo ay ku jirto Qaramada Midoobay, si loo damaanad qaado inay u diyaar garoobaan inay ka jawaabaan codsi dhexdhexaadin ah oo ka yimaada dhinacyada laftooda oo ah.”

Beesha caalamka ayaa hore ugu baaqday in wada-hadal lagau dhammeeyo colaadda u dhaxaysa Somaliland iyo maamulka Puntland ee ka taagan deegaanka Tuke-raq ee gobolka Sool.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed Farmaajo ayaa Somaliland iyo Puntland ugu baaqay iney nabadda qaataan oo wax walbo wadahadal lagu dhammeeyo waxaanu yidhi“Soomaaliya waxay u baahan tahay Nabad, dagaal dambe iyo colaad dambe uma baahna, waxaan leeyahay arrimaha Tukaaraq ka socda ee dadka Soomaaliyeed dhiigooda bilaa micnaha ku daadanaya hala joojiyo, waxaa ku dhimanaya wiil Soomaaliyeed, waxaa ku dhaawacmaya wiil Soomaaliyeed, hooyo Soomaaliyeed ayaa ku gablameysa” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here