Donald Trump oo booqasho 4 maalmood ah uga bilaabatay dalka Britain

0
646

Donald Trump oo booqasho 4 maalmood ah uga bilaabatay dalka Britain

Madaxweynaha  Maraykanka Donald Trump ayaa booqashadiisii ugu horeysay ee uu ku tago dalka Britain tan iyo markii loo doortay madaxtinimada dalkiisa maanta uga bilaabatay wadanka Britain,iyadoo banaanbaxyo ay dhacayaan.

Trump oo ah 72 jir  ayaa la kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha Britain iyo Boqorada mudada afarta maalmood ee uu booqashada ku joogo dalka Britain.

Wafdiga Madaxweynaha Maraykanka ayaa waxaa ka mid ah kun ruux iyo gaadiid gelbinaya  oo uu ku jiro gaariga aan xabadda karin ee la yiraahdo ‘The Beast’ iyo weliba helikabtaro aan tiradooda la shaacin oo ay ka mid tahay diyaarada u gaarka ah ee Marine One.

Trump iyo Marwadiisa ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha safiirka Maraykanka ee dalka Britain iyo xoghayaha arrimaha ganacsiga dowlada Britain Liam Fox.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here