“Jarmalka Waxaa Maamula Ruushka” Madaxweynaha Maraykanka Oo Weeraray Dalka Jarmalka

0
793

“Jarmalka Waxaa Maamula Ruushka” Madaxweynaha Maraykanka Oo Weeraray Dalka Jarmalka

(DLN-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muujiyay walwalka uu ka qabo in Jarmalka uu gaaska nabiiciga ka iibsado Ruushka, taas oo uu ku sheegay in ay tahay halis amni, wuxuuna ka hadlayay shirka NATO.

Isaga oo magaalada Brussels kula kulansanaa xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayuu Trump yiri “Waa arrin aad ugu xun NATO, Jarmalka waxaa maamula Ruushka”.

Waxa uu Trump sheegay in boqolkiiba 70% gaaska uu Jarmalka soo iibsado uu uga yimaado Ruushka, balse waxaa jirta in xogtii ugu dambeysay ay muujinayso in tiradaasi tahay boqolkiiba 50.75%.

Dhanka kale waxa uu dalalka reer Yurub ku eedeeyay in aysan NATO ku bixinin qarashkii loo baahnaa, kaliyana Maraykanka dhabarka loo surey qarashka intiisii badnaa.

Hadaladan Trump ayaa soo baxaya todobaad ka hor inta uusan magaalada Helsinki kula kulmin madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, tan oo soo cusboonaysiisay shakigii laga qabay xiriir hoose in uu ka dhaxeeyo labada nin.

Dad badan ayuu ka yaabiyay Trump markii uu sheegay in shirka NATO uu ka adagyahay kan uu la yeelan doono Putin todobaadka dambe.

Xoghayaha NATO ayaa xusuusiyay Trump in saaxiibka ugu wanaagsan ee Maraykanka leeyahay ay yihiin reer Yurub, isaga oo sheegay in askarta reer Yurub ay ku dhinteen dagaalkii Afghanistan oo jawaab u ahaa weerarkii 2001-dii lagu qaaday daaraha dhaadheer ee New York.

Wasiirka difaaca Jarmalka ayaa gaashaanka u daruuray hadalka Trump, wuxuuna sheegay in aysan wax u jirin sida uu wax u sheegayo.

Muranka ugu weyn waxa uu ka jiraa qoondada dalalka reer Yurub ay ku biiriyaan difaaca NATO, iyada oo jaangoynta ay tahay in dal kasta boqolkiiba 2% dakhligiisa uu ku biiriyo miisaaniyadda difaaca, waxaase illaa hadda heerkaas gaaray dalalka Maraykanka, Greece, Estonia, UK iyo Latvia, waxaana u dhow in ay gaaraan dalalka Poland iyo Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here