10-Daqiiqo ee Joogtada ah ee Xasuusta Lagu Xoojiyo Hal-abuurkana Lagu Kordhiyo

0
942

10-Daqiiqo ee Joogtada ah ee Xasuusta Lagu Xoojiyo Hal-abuurkana Lagu Kordhiyo

Ma ku dhibaatootaa inaad shey xoogga saarto, shay kasta oo fudud ma illowdaa, maka welwelshaa astaamaha cudurak Alzheimer-ka ee xasuusta lumiya ayadoo aaney da’daadu weynayn.

Sida uu qoray website-ka “The ladders”, arrintaasi waa dhibaato adiga shakhsiyadaada haysta, waxaad u baahan tahay hal-abuur dhanka nolosha ah inaad yeelato, waxaad u baahan tahay kalsooni, maskaxdaada ayaa isticmaaleysa keydinta waqtiga gaaban bedelkii ay wax ku kaydin lahayd qeybta kaydinta waqtiga dheer.

Talada ugu wanaagsan ee arrintan ayaa ah “Haddii aadan waxba xasuusan, waxay ka dhigan tahay inaad markii horaba aadan baran.”

Rootiinka(Joogtayn) 10-daqiiqo

Website-ka the ladders waxa uu arrintan u keenaya xal guud oo xasuusta qofka adkeyna isla markaana hal-abuur ku kordhayo.

Inta aadan seexan ka hor 10-daqiiqo naftaada u gaar yeel oo aad ku xisaabtanto oo aad ku tijaabiso macluumaadka maskaxdaada ku kaydsan.

Fariiso hurdada ka hor, isku day inaad dib u xasuusato waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee aad maalintii qabatay, buug aad akhrisay oo kale, talooyin laguu soo jeediyay iyo arrimo kale oo muhiim kuu ah.

Tallaabooyinkan aad qaadi karto

Rootiinka joogtada ah ee 10-daqiiqo waxaad u fulin kartaa sidan in kasta oo lagu kala duwanaan karo oo dabeecadda qofka ay ku xiran tahay.

-Fariiso oo xasuuso buug aad akhrisay.

-Afkaarta buugga ku xir fikrad kale oo xiriir la leh noloshaada.

-Malee in dhacdadii ay agtaada soo mareyso xilligaa aad joogto.

-Markaad tallaabooyinkaa qaaddo waxbadan ayaa iska bedelay xasuustaada iyo qeybaha mas’uulka ka ah maskaxda ee hal-abuurka.

-Marka aad subixii soo kacdo koob biyo ah cab, meel daggan fariiso, isku day inaad bilowdo hal-abuurkaaga sida inaad qoraal sameyso oo kale, waxaad arki doontaa horumar badan oo dhanka xasuusta iyo hal-abuurkaaga ah.

Sousan@SousanBagher

This 10-Minute Routine Will Increase Your Memory And Creativity
“When you train your creativity, you automatically train your memory. When you train your memory, you automatically train your creative thinking skills!” — Tony Buzanhttps://buff.ly/2H5Xm5q 

Maandeeq FM  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here