Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh

0
807

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan ayaa ah kii u horeeyay oo is arag ah oo labada Madaxweyne ay yeesheen, tan iyo markii 16 bishii February ee sanadkii hore ay xilka isku wareejiyeen.

Labada Madaxweyne ayaa kulanka xaalada uu dalku marayo, caqabadaha siyaasadeed ee dalka iyo inay iska yeeshaan mustaqbalka iyo horumarka dalka.

“Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabadaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo qoraal la soo geliyay bartiisa Twitterka.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu xilka wareejiyay deegaan ka dhigtay magaalada Ankara oo ay qoyskiisa ku noolyihiin.

Kulankan Labada Madaxweyne ayaa ku soo aaday, xilli mowjado siyaasadeed uu dalka ka jiro, iyo olole ay wadaan isbaheysiyo mucaarad ah oo maalmihii la soo dhaafay shirar ku lahaa magaalada Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here