Madaxweynaha Turkiga Oo Wasiir U Magacaabay Wiilka Uu Soddoga U Yahay

0
732

Madaxweynaha Turkiga Oo Wasiir U Magacaabay Wiilka Uu Soddoga U Yahay

(DLN-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wiilka uu soddoga u yahay u magacaabay wasiirka maaliyadda dowladiisan cusub.

Kadib magacaabista Berat Albayrak lacagta Turkiga ee lira ayaa in kabadan boqolkiiba labo qiimeheedu hoos u dhacay.

Mr Erdogan ayaa dowladiisa cusub shaaciyay saacada un kadib markii loo dhaariyay jagadiisa saree ee cusub.

Waxa ay soo afjareysa habkii baarlamaniga ahaa ee la aasaasay sagaashan iyo shan sano ka hor

Mr Erdogan ayaa dib loo doortay bishii aynu soo dhaafnay. Waxa uu sheegay in uu meesha ka saaray hab wadanka ka ragaadiyay dhan kasto hadii ay ahaan lahayd dhanka siyaasadda ama dhaqaalahaba.

Dadka isaga ka soo hor jedeedo ayaa ka cabsi qaba in habkaan cusub uu bur-burin doono dimuqraadiyadda Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here