DAAWO “Qori Isu Dhiibka Ma Riwaayad Ba La Jilaya…” Jaamac Shabeel Oo Ka Hadlay Cidda Lagu Wareejinayo Guddoomiyenimada KULMIYE

0
896

DAAWO “Qori Isu Dhiibka Ma Riwaayad Ba La Jilaya…” Jaamac Shabeel Oo Ka Hadlay Cidda Lagu Wareejinayo Guddoomiyenimada KULMIYE

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye mudane Jaamac Shabeel ayaa ku dooday in aanay suuro gal ahayn in beelo gaar ahi isku war-wareejiyaan musharraxa xisbiga si qori isu dhiib ah. Waxa uu sheegay in guddoomiyaha xisbiga cid walba xaq u leedahay sidaas awgeedna lagu tartami doono.

Jaamac Shabeel waxa uu sheegay in shirweynaha xisbiga ee horraanta 2019 lagu dooran doono guddoomiyaha xisbiga, islamarkaana aanay dhacayn in beelo gaar ahi si qori isu dhiib ah isugu wareejiyaan.

Waxa uu hadalkiisu imanaya xilli la tuhunsan yahay in Prof Axmed Ismaaciil Samatar u xusul duuban yahay guddoomiyenimada Kulmiye halka dhawr jeer laga maqlay Boqor Buurmadow in la gaadhay xilligii beeshiisa lagu wareejin lahaa kursiga guddoomiyaha,

 

Halkan hoose ka DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here