Jeremy Hunt oo loo magacaabay Xoghayaha cusub ee Arrimaha Dibadda Britain

0
687

Jeremy Hunt oo loo magacaabay Xoghayaha cusub ee Arrimaha Dibadda Britain

Jeremy Hunt oo ahaa Xoghayihii Caafimaadka Britain ayaa loo magacaabay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda, kaddib markii uu xilkaas iska casilay Borsi Johnson.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa la kulmeysa cadaadis xooggan oo kaga imaanaya Xisbigeeda, gaar ahaan qorshaha ay ku wajaheyso ka bixida Midowga Yurub.

Qorshaha ku saabsan ka bixida Britain ee Midowga Yurub ayaa waxaa hadda ku hor-gudban dhowr caqabadood, waxaana mas’uuliyiinta is casilay ay u hanqal taagayaan xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Boris Johnson ayaa isu casilay, qaabka ay There May ku wajaheyso ka bixida Midowga Yurub, sidoo kale waxaa horay isu casilay David Davis oo ahaa Wasiirkii Britain u qaabilsanaa arrimaha wada xaajoodka ka bixitaanka Midowga Yurub.

Xisbiga talada haya ayaa u muuqda mid ku kala qeybsan arrinta ka bixitaanka Midowga Yurub, waxaana Theresa May ku baaqday in aanay habooneyn in ay ku kala qeybsanaan ka bixida Midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here