C/casiis Xildhibaan “Aniga xilkeygii waxaa iska casilay 7-dii bishan, waa been in 5-tii bishan xilka la iga qaaday”

0
853

C/casiis Xildhibaan “Aniga xilkeygii waxaa iska casilay 7-dii bishan, waa been in 5-tii bishan xilka la iga qaaday”

C/casiis Cali Ibraahim ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya, isagoo beeniyay in xilka laga qaaday.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka Amniga oo la sheegay inuu ku taariikheysnaa 5-tii bishan July ayaa lagu caddeeyay in xilka Afhayeenimo laga qaaday C/casiis Xildhibaan.

Hase ahaatee C/casiis Xildhibaan oo caawa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qoraalkaas uu ahaa mid la been abuuray, isla markaana uu isaga is casilaadiisa u gudbiyay Wasiirka Amniga 7-dii bishan oo ku beegneyd maalintii uu dhacay weerarkii Xarunta Otto Otto ee Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

“Anigoo ka jawaabaya qoraal uu isoo gaarsiiyay Xogheynta Wasiirka Amniga oo ku saabsan qoraal la been abuuray inuu soo baxay 5-tii bishan July in la iga qaaday xilka Afhayeenka Wasaaradda Amniga, waxaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inaan xilkaas iska casilay 7-dii bishan, kaddib markii weerarka lagu soo qaaday Xarunta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga”ayuu yiri C/casiis Xildhibaan.

C/casiis Xildhibaan ayaa shalay kulan uu ka qeyb galay ka sheegay in aan wax la aqbali karin ay tahay sida ay ku suura gashay weerarkii lagu qaaday xarunta Otto Otto, iyadoo la xiray jidadka, sidoo kale waxaa uu su’aal ka keenay fulin la’aanta balan-qaadyada madaxda dowladda ee dhinaca isla xisaabtanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here