10-waxyaabood oo uusan Director Hirani nagu tusin filimka Sanju balse nolosha Sanjay Dutt marnaba aan ka hareyn

0
1103

10-waxyaabood oo uusan Director Hirani nagu tusin filimka Sanju balse nolosha Sanjay Dutt marnaba aan ka hareyn

Filimka Sanju ee nolosha Sanjay Dutt looga hadlaayay waxaa hogaamiye ka ahaa kuna fara yareestay qaab jiliin ahaan Ranbir Kapoor haatana filimkan wuxuu noqday Blockbuster taariikhi ah.

Balse Director Rajkumar Hirani 10-waxyaabood oo nolosha Sanjay Dutt muhiim u ah ama caan ah waligiisna ka hareyn ayuusan filimkan kusoo darin sababo jiro awgeed:

1. Qayaanada Qamriga Ee Gabdhaha Sanjay Dutt Qalbiga Kaga Xadi Jiray: Filimka Sanju waxaa goos gooskiisa lagu soo bandhigay Ranbir Kapoor oo matalaayo Sanjay Dutt sidoo kalena dhahaayo 350-gabdhood ayaan xariir lasoo sameeyay.

Qayaanada ama xeelada ugu weyn ee Sanjay Dutt adeegsan jiray si uu gabdhaha qalbiga xado waxay ahayd inuu qabriyada geyn jiray kadibna isku beer jilcin jiray gaar ahaan qabriga hooyadiis ama qabriyo oo kale caan ah marka ay gabdhaha qalbi jilcaana uu shukaansi ahaan wax walbo kaga dhameesan jiray.

Laakiin filimka Sanju hal muuqaal xitaa kuma jiro oo lagu soo bandhigaayo xeeladii Sanjay Dutt nolol ahaan gabdhaha qalbiga kaga xadi ama ku uur jileecsan jiray.

2. Xiriirkii Sanjay Dutt Uu La Yeeshay Atirishadii Tina Munim: Sanjay ayaa jaceyl la wadaagay atirishadii kowaad ee filim la sameesay Tina Munim, laakiin filimka Sanju waxaa lagu soo bandhigay Sonam Kapoor oo Ranbir jaceyl la mataleyso balse si cad looma faah faahin loomana daba galin xiriirkii Sanjay Dutt uu Tina Munim la wadaagay.

Weliba waxaa la sheegay in Sanjay Dutt bilawgii 80-maadkii dhalinyaro badan Tina Munim darteed inuu u garaacay ama ula dagaalay wiilkii fiiriyabada gacan ayuu ka horgeen jiray, laakiin filimka Sanju arimahaan laguma soo qaadanin!

3. Markii Uu Sanjay Dutt Isku Dayay Inuu Baqdin Galiyo Super Star Rajesh Khanna: Tina ayaa la sameesay Rajesh Khanna filimkii Sauten weliba filimkan Rajesh wuxuu rabay inuu kusoo laba kacleeyo waxayna wargesyada qoreen in Rajesh iyo Tina xiriir qarsoodi ah ka dhaxeeyo.

Sanjay Dutt oo ahaa wiil si deg deg ah gacanta kaga hadlo 80-maadkii ayaa go’aan ku gaaray inuu soo garaaco Rajesh Khanna!

Sanju wuxuu yimid Studio Rajesh Khanna wax ku duubayay meesha ayuu ugu hanjabay waana laga celiyay kadibna wuu iska baxay asigoo dhaaranayo!

Tina Munim markaas ayay go’aan ku gaartay Sanjay Dutt inay xiriirka u jarto asigana niyad jab ayuu la kulmay wuxuuna bilaabay adeegsadiga daroogada iyo waxyaabaha maanka dooriyo.

Laakiin dhacadadaan xasaasiga ah filimka Sanju laguma soo darin si loo ilaaliyo sharafka qoysaska badan oo maanta Hindiya magac weyn ku leh.

4. Marka Uu Sanjay Dutt Qoorta Ka Qabtay Shah Rukh Khan: Sanjay waa qof u huri karo naftiisa saaxiibadiisa sidoo kalena lagama yaabo dadka waa weyn in agtiisa lagu liido ama lagu ag dafiro.

Haddaba waxaa dhacday 90-maadkii in Shah Rukh Khan uu dafiray ama salaami waayay ruug cadaa Amjid Khan xili Mehboob Studio ku wada sugnaayeen!

Sanjay Dutt ayaa arkay SRK dafiraada uu Amjid Khan ku sameeyay wuxuuna Dutt lumiyay dareenkii uu isku xakameyn lahaa kadibna qoorta ayuu SRK kasoo qabtay asigoo ku amray inuu Amjid salaamo!

Sanjay saaxiibadiisa ayaa is daji dhaheyn sidoo kalena SRK wuxuu u sheegay inaysan xushmad daro ka ahayn balse uusanba u jeedin mudane Amjid Khan.

Dhacdadan xiisaha badneyd filimka Sanju Director Rajkumar Hirani kuma uusan doo qaadanin asigoo diidanaa inuu xiligaan meel kaga dhaco maamuuska iyo mansabka uu Shah Rukh Khan leeyahay.

5. Labadiisii Guur Ee Ka Horeeyeen Guurkiisa Hadda: Qof walbo ayaa ag in Sanjay Dutt sedex guur soo maray balse filimka Sanju arimahaan xasaasiga ah laguma soo bandhigin.

 

Filimside

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here