Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

0
642

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa xilkii looga qaaday wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xasan Macallin Xuseen.

Wasiirka xilka laga qaaday ayaa ka mid ahaa wasiiradii ugu dambeeyay ee la magacaabay bishii May,  waxaana wareegtada xilka looga qaaday lagu sheegay in uu  xilkaas  si Kumeel gaar ah u sii hayn doono wasiiru dowlaha Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Cabdixakin Xasan Ibraahim Ashkir.

Xil ka qaadista Wasiirkan ayaa timid, iyadoo is qab qabsi xooggan uu ka jiro arrimaha Xajka, kaasoo u dhaxeeya shirkaddo diyaaradeed oo horay u heystay arrimaha xajka iyo shirkad cusub oo dooneysa inay qeyb ka noqoto.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Wasiirka uu dhexda ka galay is qab qabsiga u dhaxeeyay shirkadaha arrimaha xajka ku lug lahaa oo isugu jira kuwo horay u heystay leenka Xajka iyo shirkad kale oo la sheegay inay leeyihiin siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ku dhow Madaxtooyada.

Xil ka qaadistan ayaa noqoneysa tii labaad oo lagu sameeyo Wasiirka Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta, iyadoo dhamaadkii sanadkii hore ay aheyd markii sidan oo kale xilka looga qaaday wasiirkii wasaaradaas oo lagu magacaabay Iimaan C/llaahi Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here